Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Waxa maanta si rasmi ah loo daah-furay Barnaamijka Midaynta Dukumentiyada Lacag-qabashada Hay’adaha Madaxa-bannaan ee Dawladda, kaas oo ujeeddadiisu tahay in la helo hannaan mideysan, hufan, isla markaana la jaan-qaadaya nidaamyada casriga ah ee maareynta dakhliga dalka.

Kulankan muhiimka ah waxa guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, . , waxaana goob-joog ka ahaa masuuliyiin sarsare oo ay ka mid yihiin – , , , ’ -, — iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo ka socday hay’adaha uu khuseeyo barnaamijkani.
Ujeeddada barnaamijkan ayaa ah in la mideeyo noocyada dukumentiyada lacag-qabashada, lana xoojiyo isla-xisaabtanka, hufnaanta, iyo daah-furnaanta habraacyada maaliyadeed ee hay’adaha madaxa-bannaan.
Barnaamijku waxa uu gacan ka geysan doonaa yareynta khaladaadka maamul, ka hortagga wax is-daba marin, iyo kor u qaadidda kalsoonida dadweynaha ee nidaamka maaliyadeed ee dawladda.
Intii uu kulanku socday, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan hay’addaha Dawladdu u hoggaansamaan hal nidaam oo mideysan, si loo hubiyo in dakhliga dawladda si sax ah loo diiwaan-geliyo, loona maamulo si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka Dalka.
Waxa uu Wasiirku sidoo kale tilmaamay in barnaamijkani yahay tallaabo muhiim ah oo qayb ka ah dib-u-habaynta hanaanka maaraynta maaliyadda iyo dadaallada lagu casriyeynayo nidaamka dakhliga.
Masuuliyiintii kale ee kulanka ka hadlay ayaa soo dhaweeyay barnaamijkan, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’antahay dhankooda meel-marinta hawshan, si loo helo isla-xisaabtan buuxa iyo wada-shaqaynta hay’adaha dawliga ah. Waxa ay sidoo kale ay ballan-qaadeen in hay’adahoodu si buuxda uga qayb qaadan doonaan hirgelinta iyo dhaqan-gelinta barnaamijkan.
Gebagebadii, kulanka daah-furka Barnaamijka Midaynta Dukumentiyada Lacag-qabashada waxa uu calaamad u yahay horumar la taaban karo oo laga gaadhay dadaallada lagu tayeynayo nidaamka maaliyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo dhiirrigelinaya shaqo wanaaga, isla-xisaabtanka, iyo kalsooni maaliyadeed oo waarta.



