Nigel Farage, hoggaamiyaha xisbiga Reform UK, oo muddo dheer taageerayay aqoonsiga Somaliland, ayaa soo dhoweeyay isla markaana taageeray aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.
Nigel Farage waxa la filayaa in uu ku soo baxo ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska marka doorashooyinka soo socda la qabto. Wuxu ka mid yahay siyaasiyiinta miisaanka leh ee ka shaqeynaya in Ingiriisku noqdo waddamada ugu horreeya ee aqoosada Somaliland.


