Shirkadda Meta Waxay si dhab ah u og-tahay qofka aad tahay.

0
4

Baraarugtv.com-Mustaqbalka dhow, waxaa la saadaalinayaa in shirkadda Meta ay noqon doonto shirkadda ugu weyn uguna awoodda badan dhanka garaadka macmalka ah (AI). Sababta ugu weyn ee arrintan ka dambeysa waa xogta baaxadda leh ee ay gacanta ku hayso, taas oo aad uga badan xogta ay hayaan shirkadaha kale sida Google, OpenAI, iyo Anthropic (Claude).
1. Awoodda Xogta iyo Baraha Bulshada
Meta waxay dhistay barnaamijyo (Apps) badan oo ay maalin kasta isticmaalaan in ka badan 3.5 bilyan oo qof. Tani waxay u sahashay inay ururiso xog aad u qoto dheer oo ku saabsan nolosha dadka:
Dhaqdhaqaaqa App-yada: Waxay ogtahay wax kasta oo aad ka dhex sameyso barnaamijyadeeda, qoraallada aad ka hesho (Like), iyo waxyaabaha aad xiiseyso.
Xiriirka Bulshada: Waxay taqaannaa dadka aad la sheekeysato—xitaa kuwa aad kala hadasho WhatsApp—iyo dadka kugu dhow ama asxaabtaada, iyadoo kuu soo jeedineysa (Suggested People) xitaa adigoon u sheegin.
Dhaqdhaqaaqa Dibadda: Xitaa marka aad ka baxdo barnaamijyada Meta oo aad isticmaasho App-yo kale oo taleefankaaga ku jira, waxaa jira koodh (Code) si qarsoon u shaqeynaya (Background) oo tixraaca dhaqdhaqaaqaaga.
Ganacsiga: Waxay si buuxda u ogtahay waxyaabaha aad ka iibsato suuqeeda (Marketplace).
2. Maalgashiga Weyn ee Dhanka AI
Si ay u dhisto shirkadda AI ee ugu weyn adduunka, Meta waxay qaadday tallaabooyin waaweyn oo istiraatiiji ah:
Iibsiga Shirkadaha: Waxay ku iibsatay shirkadda Manus AI adduun dhan 2 bilyan oo doollar ($2B).
Soo Saarka Chips-ka: Waxay joojisay inay ku tiirsanaato oo kaliya shirkadda Nvidia si ay u hesho qalabka xisaabinta (Chips), waxayna bilowday inay iyadu sameysato kuwo u gaar ah.
Xarumaha Xogta (Data Centers): Waxay dhistay xarumo waaweyn oo xogta lagu kaydiyo laguna farsameeyo, kuwaas oo ku yaalla gobollada Ohio iyo Louisiana ee dalka Mareykanka.
Tamarta Korontada: Maadaama ay xarumaha AI iyo soo saarista Chips-ku u baahan yihiin koronto aad u badan, Meta waxay iibsatay awood koronto oo dhan 6.6 Gigawatts oo laga dhaliyo tamarta Nukliyeerka (Nuclear Power).

Farqiga Ugu Weyn:
Google wuxuu ogyahay waxa aad raadineyso (Search).
OpenAI waxay ogtahay waxa aad weydiineyso.
Laakiin Meta waxay si dhab ah u ogtahay qofka aad tahay.
maxaa kaaga baxay adiga?