Madaxii Sirdoonka Kooxda RFS Ee imaaradka carabta Oo Goostay.

Baraarugtv com-Nin kaalin lixaad leh kulahaa dagaalka Suudaan ahaana garab shaqada ugu muhiimsan uhayay imaaradka iyo maleeshiyada uu taageero ee RSF Al-Tayib Jabara oo ahaa madaxa sirdoonka iyo ka-hortagga maleeshiyada ee RSF, ayaa ku dhawaaqay inuu ka goostay maleeshiyada imaaradka kasameystay Suudaan.
Isaga oo ka hadlay dhibaatada kooxda RSF ee mudada dheer uu ushaqeynayay ayaa wuxuu yidhi Altayib “Hogaamiyaha RSF wuxuu fulinayaa ajandayaal shisheeye oo lagu doonayo in Suudaan lagu sii kala qaybiyo, ciidamadiisana wuxuu u adeegsadaa xasuuq si uu u xaqiijiyo damaciisa gaarka ah, una adeego danihiisa iyo kuwa qoyskiisa.”
Ninkaan ayaa cadeeyay maleeshiyada RSF ay u adeegeysa danaha shisheeyaha oo ay ugu horeeyaan imaaradka, Yhda iyo mareykanka oo is huwan kuwaas oo ujeedadoodu ahayd inay siwalba uburburiyeen Suudaan.
Ninkaan ayaa kubiiray Ciidamada dowladda Suudaan.
Mohamed Koronto



