
Somaliland'(Baraarugtv.com)-“Curashada Somaliland iyo Israa’iil ee danaha iska soo horjeeda kala xabaarsan Aqoonsi iyo doonista guri ay degaan oo Istaraajiyad ah.
maxaa ku qasbaaya in Israa’iil aqoonsato dawlad bariga Galbeed ah oo ku taalla Geeska Afrika iyo gobol ay muhiimaddiisa amni ee Israa’iil si weyn u kordhay labadii sanno ee u dambeeyay?
INSS Insight No. 2062, Nofeembar 24, 2025
Qoraaga Asher Lubotzky
Somaliland:-In ka Badan Soddon Sano oo Madaxbannaani iyo Xasillooni ah Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas meelo ay muhiimaddooda amni iyo istaraatiiji ee Israa’iil si weyn u kordheen labadii sano ee u dambeeyay,waxaa ku taalla goobtaas Somaliland, oo ah dawlad iskeed isu maamusha, balse aan weli si rasmi ah u aqoonsan beesha caalamka.
Ujeeddadeeda ugu weyn waa in ay hesho aqoonsi caalami ah, isla markaana ay dhisato xulafo ka taageeri kara marka loo eego dowladda Soomaaliya ee Muqdisho. Sanadihii u dambeeyay, Somaliland waxay xidhiidh dhow la samaysatay Imaaraadka Carabta iyo Taiwan. Hoggaankeeda ayaa hadda rajo weyn ka qaba maamulka Trump, iyadoo duruufahaas awgood ay kordhisay dadaalladeeda aqoonsi raadinta oo ay ku jirto Israa’iil.
Somaliland waxay tahay waqooyi-galbeed waxa beesha caalamku weli u aqoonsan tahay Soomaaliya. Waxay ahayd dawlad madax-bannaan muddo shan maalmood ah 1960-kii, ka hor inta aysan la midoobin Soomaaliya, kadibna waxay mar kale ku dhawaaqday madaxbannaani 1991-kii, xilli ay ka soo kabanaysay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ee billowday dabayaaqadii 1980-meeyadii.
Qarnigii la soo dhaafay, Somaliland waxay yeelatay aqoonsi gaar ah:-waxaa gumaysan jiray Ingiriiska (halka Soomaaliya ay hoos tagtay Talyaaniga); waxay xiriir taariikhi ah la leedahay Koonfurta Yemen; inta badan dadkeeduna waxay ka tirsan yihiin beesha Isaaq,taasoo ka duwan beelaha kale ee Soomaaliya. Beesha Isaaq waxay la kulantay tacaddiyo, cunsuriyad, iyo—sida ay sheegaan xubnaheedu iyo xasuuq, gaar ahaan 1980-meeyadii.
Tan iyo markii ay ku dhawaaqday madaxbannaanideeda, Somaliland waxay si weyn uga duwan tahay Soomaaliya. amnigeedu waa deggan yahay, siyaasaddeedu waa xasilloon tahay, mana jirto koox jihaadi ah oo weyn. Inkasta oo ay jiraan muranno xuduudeed, haddana waa kuwo xaddidan. Tan iyo 2000-meeyadii, Somaliland waxay lahayd nidaam dimuqoraadi ah oo xisbiyo badan leh iyo doorashooyin joogto ah. Doorashadii ugu dambaysay ee 2024 waxay ahayd mid nabad ah oo awoodda si habsami leh loogu kala wareegay.
Muhiimadda Somaliland u Leedahay Galbeedka iyo Israa’iil
Muhiimadda Somaliland waxay ku jirtaa laba arrimood:
Goobteeda istaraatiijiga ah:-
1Rabitaankeeda iskaashi la leh dalalka Galbeedka.
Waxay ku taallaa afka Gacanka carabta Somaliland.
Israa’iil ka soo horse Edna Yemen,taasoo isku xidh Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Taasi waa sababtii Ingiriisku u qabsaday, iyo sababta Maraykanku saldhig uga sameeyay xilligii Reagan.
Maanta, xeebta Somaliland waxay u jirtaa 300–500 km meelaha ay maamulaan Xuutiyiinta ee Yemen.Dawladdaha reer galbeedka oyo Israa,iil waxay ka dhigan tahay in Somaliland laga hawlgalo ay noqon karto “isbeddel weyn” oo istaraatiiji ah.
Somaliland waxay noqon kartaa Saldhig xog-ururin iyo kormeer.
1-Taageero Logistig
Meel laga fuliyo hawlgallo militari
Waxa la barbar dhigayaa xidhiidhka Israa’iil iyo Azerbaijan oo ka caawiyay Israa’iil la dagaalanka Iran.
Maxaa ku qarsoon Aqoonsiga Israa,iil ee Somaliland?
Somaliland waxay rabtaa aqoonsiga Maraykanka, maadaama ay rajaynayso in dalal kale ku daydaan Israa,iil.
Laakiin Maraykanka wuxuu ka caga jiidayaa sababo dhowr ah:-
- Siyaasadda “Hal Soomaaliya”
- Maraykanku wuxuu taageeraa midnimada Soomaaliya, wuxuuna u arkaa Soomaaliya xulafo, inkasta oo ay daciif tahay.
- Cawaaqibka ka dhalan-kara Aqoonsiga Somaliland
- wuxuu Kicin karaa goosashooyin kale (Puntland, Jubaland).
- Xoojin karaa Al-Shabaab
- Cadaadis caalami ah
- Dalal badan ayaa ka soo horjeeda in madax-banaani la siiyo Somaliland Turkey, Qatar Egypt, Saudi Arabia. Ururka Midowga Afrika, ka soo horjeedaa Aragtida Israa’iil. Israa’iil waxay leedahay tixgelinno gaar ah:- Waxay ka faa’iidaysan karta xiriirka Imaaraadka. Waxay ka baqaysaa in aqoonsiga hore uu keeno falcelin Muslimiinta ah. Waxay sidoo kale ka taxaddartaa arrinta Falastiin. Waxaa kale oo jirta arrin muhiim ah:-Haddii Israa’iil kaligeed aqoonsato Somaliland (iyadoo Maraykanku aanu aqoonsan), waxay keeni kartaa dhibaato diblomaasiyadeed. Ka Hooseeya Heerka Aqoonsiga Hadda. Israa’iil waxay u baahan tahay xulafo gobolka Badda Cas, gaar ahaan la dagaallanka Xuutiyiinta Yemen Somaliland waa musharrax ku habboon.Laakiin taladu waa In la xoojiyo iskaashi, iyadoo aan aqoonsi rasmi ah la bixin. In la sugo tallaabada Maraykanka. 1 In la sameeyo Xafiisyo, wakiilnimo, Iskaashi dhaqaale iyo amni Tallaabooyin calaamad ah (sida aqoonsiga baasaboorka dalka)
Gunaanad xaalada ka aloosan bariga dhexe iyo biyaha badda cas:- Israa’iil iyo Somaliland waxay ka faa’iidaysan karaan xidhiidh dhow—xitaa iyada oo aan aqoonsi rasmi ah jirin.
Somaliland waxay heli kartaa taageero amni iyo dhaqaale.Israa’iilna waxay heli kartaa saldhig istaraatiiji ah oo muhiim u ah la dagaallanka Xuutiyiinta Yemen.
Somaliland waxay noqon kartaa isbeddel weyn (game changer),oo ku saabsan istaraatiijiyadda Israa’iil ee gobolka.
Turjumay Suxufi Cabdifatah Ismail Aarshe
Email caarshe7@hotmail.com
baraarugnews@gmail.com



