Baraarugtv.com-Steven Cook, oo ah khabiir ka tirsan Golaha Xidhiidhka Dibadda ee Maraykanka (Council on Foreign Relations – CFR), isla markaana ku takhasusay arrimaha Bariga Dhexe iyo Afrika, ayaa sharraxay sababta qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland ay muhiim ugu noqon karto danaha Maraykanka. Cook waxa uu si gaar ah u tilmaamay taariikhda Somaliland iyo goobta istiraatiijiga ah ee ay ku taallo. Steven xusay in Somaliland ay ku taallo Gacanka Cadmeed, oo ka soo horjeedda Yemen, isla markaana ay aad ugu dhaw marinka Baabul-Mandab, oo ah marin-biyood muhiim u ah isu-socodka maraakiibta ganacsiga caalamiga ah.
Cook waxa uu sheegay in aqoonsiga Somaliland uu Washington u yeelan karo faa’iidooyin istiraatiiji ah, gaar ahaan dhinaca amniga iyo danaha juqraafi-siyaasadeed ee Maraykanka. Waxa uu xusay in Somaliland ay haysato deked leh biyo-qoto-dheer iyo garoon diyaaraaradeed (runway) aad u dheer, kuwaas oo, sida uu sheegay, noqon kara kaabayaal muhiim u ah danaha amni ee Maraykanka, isla markaana gacan ka geysan kara haddii loo baahdo hawlgallo ka dhan ah khatarta amni ee ka iman kara gobolka.
Steven Cook waxa kale oo uu sheegay inay muuqato xiiso ka jirta gudah aWashington oo ku saabsan qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland. Waxa uu xusay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), intii uu ku guda jiray safarkiisii Washington, D.C. iyo New York, uu la kulmay saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, xubno ka tirsan Kongareeska iyo dhinacyo kale oo saamayn ku leh siyaasadda Maraykanka. Sida uu Cook sheegay, kulamadaasi waxay qayb ka ahaayeen dadaallada dibblumaasiyadeed ee lagu doonayo in Maraykanka lagu qanciyo inuu noqdo dalkii labaad ee si rasmi ah u aqoonsada madax-bannaanida Somaliland.
Cook waxa uu dooddiisa ku salaynayaa in goobta juqraafiyeed ee Somaliland, dekedda Berbera, marinka Baabul-Mandab iyo xaaladda amni ee Badda Cas ay Somaliland siinayaan muhiimad istiraatiiji ah oo sii kordhaysa marka laga eego danaha Maraykanka. Waxa uu sidoo kale xusay taariikhda Somaliland iyo sida ay 1991-kii ugu dhawaaqday inay dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda, kadib markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
Steven Cook oo ka hadlayay xarunta Golaha Xidhiidhka Dibadda ee Maraykanka (Council on Foreign Relations – CFR), ee dalka Maraykanka, ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidany “Hogaamiyahan caalamiga ah ayaa booqday xarunta Golaha Xiriirka Arrimaha Dibadda (Council on Foreign Relations) ee magaalada New York. Waa hogaamiyaha Somaliland.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, oo si weyn loogu yaqaanno “Cirro”, ayaa safar laba toddobaad ah ku maray Washington, D.C. iyo New York. Wuxuu la kulmay saraakiil ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, xubno ka tirsan Koongareeska, iyo dad kale. Wuxuu doonayaa in Mareykanku noqdo dalkii labaad ee aqoonsada Somaliland, waxaana muuqata inay jirto xiise loo qabo arrintaas oo gudaha Washington ah”
Cook waxa kale oo uu intaas ku daray “Somaliland waxay ku dhawaaqday madax-bannaanideeda sannadkii 1991-kii, waxayna tan iyo markaas u shaqeynaysay sidii dal madax-bannaan. Dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada madax-bannaanida Somaliland ayaa noqday Israel oo sidaas samaysay dabayaaqadii sannadkii 2025-kii. Halkan waxaa ku cad sababta ay arrinta madax-bannaanida Somaliland muhiim ugu tahay Mareykanka. Haddii aad eegto khariidadda, Somaliland waxay ku taallaa meel istiraatiiji ah oo ka soo horjeedda Yemen dhanka kale ee Gacanka Cadmeed. Somaliland waxay leedahay deked biyo qoto dheer leh iyo waddo diyaaradeed (runway) aad u dheer, taas oo ay isticmaali karaan ciidamada Mareykanka haddii ay u baahdaan inay qaadaan hawlgal amni.”



