Ra’iisul wasaaraha Itoobiya,Abiy Ahmed ayaa loo dhaariyay inuu bilaabo muddo-xileedkiisa labaad,

0
1

Baraarugtv.com-

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya,Abiy Ahmed ayaa loo dhaariyay inuu bilaabo muddo-xileedkiisa labaad, ka dib markii maanta Baarlamaanka Itoobiya mar kale u magacaabay ra’iisul wasaare.

Dib u doorashadiisa waxay timid kadib markii xisbigiisu si weyn ugu guuleystay doorashadii bishii June.

Axmed Shide , oo horey u ahaa wasiirka maaliyadda ayaa noqday guddoomiyaha Baarlamaanka Itoobiya, taasoo ka dhigtay Soomaalida inay hoggaaminayaan awoodda labaad ee Itoobiya,xilli horey Soomaalida u hoggaaminayeen xisbiga talada haya.

Shide, ayaa shir guddoonkiisa koowaad ee Baarlamaanka ku dhawaaqay;

“Abiy Ahmed ayaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.”

Abiy Ahmed ayaa markii ugu horreysay xukunka yimid 2018, waxaana hadda u bilaabatay muddo-xileed cusub oo shan sano ah.

Dawladda Abiy waxay sheegtay inay mudnaanta siinayso horumarinta dhaqaalaha, wada-hadalka gudaha dalka, nabadda iyo xasilloonida.

Hadal uu jeediyay Abiy, isagoo u muuqda inuu uga jawaabayo kullamadii saddex-geesoodka ahaa ee Masar ka dhacay, wuxuu yiri;

“Cadowgii na lahaa Itoobiya, way burburaysa maanta lafa-hooda ayay nooga baqayaan, waxay nooga baqayaan Badda Cas.”