Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay hadallo ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya

0
32

Baraarugtv com-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay hadallo ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya uu dhawaan ka sheegay Somaliland, iyadoo ku tilmaantay kuwo marin-habaabin ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegtay in Somaliland iyo Soomaaliya yihiin laba dal oo kala madax-bannaan, isla markaana aanay Xukuumadda Soomaaliya awood u lahayn inay go’aamiso xidhiidhada diblomaasiyadeed ee Somaliland ama ay ku hadasho magaca shacabka Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa lagu xusay in Somaliland ay xornimadeeda qaadatay 26-kii June 1960-kii, halka Soomaaliya ay xornimada qaadatay 1-dii July, iyadoo Somaliland sheegtay in dib ula soo noqoshadii madax-bannaanideeda 18-kii May 1991-kii ay xaqiijisay dawladnimadeeda.

Xukuumaddu waxay sidoo kale difaacday xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil, iyadoo sheegtay inuu yahay go’aan ay qaateen laba dhinac oo madax-bannaan, isla markaana aanay sal lahayn eedaha sheegaya in Berbera loo adeegsan karo weerarro ka dhan ah dalal kale.

Somaliland waxay sidoo kale sheegtay inay taageersan tahay heshiisyo Itoobiya u oggolaanaya inay hesho marin badeed oo ku dhisan iskaashi iyo dan-wadaag, iyadoo diidday faragelin lagu sameeyo heshiisyadeeda.Waxay ugu dambayn ugu baaqday hoggaanka Soomaaliya inuu ka fogaado hanjabaadaha iyo faragelinta arrimaheeda gudaha, iyadoo sheegtay inay sii wadi doonto ilaalinta madax-bannaanideeda iyo xoojinta xidhiidhada diblomaasiyadeed ee gobolka.