Itoobiya,(Baraarugtv.com)-Madaxweynaha Iriteriya Afwoker iyo Madaxweynaha Kilalka Tigrayga,ayaa ku wada heshiiyey siddii ay u wada-guulilahaayeen ama isugu qaban lahaayeen Raysal,wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.Isla markaana Waxa isbahays ka dhan ah dowladda Itoobiya samaystay 7 kooxood oo ay ku jirto koox Soomaali ah.
Toddobada urur oo ay hormuud u yihiin TPLF, Fano iyo OLA, kuwaasoo ay ku jirto koox Soomaali ah, ayaa samaystay isbahaysi ka dhan ah dowladda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Sidoo kale,Isbahaysigan ayaa ku shiray gudaha Itoobiya, gaar ahaan meel loo badinayo inay tahay Mekelle, iyagoo hadafkoodu yahay inay afgambiyaan xukuumadda Raysal,wasaare Abiy Axmed.Balse waxa la aamisan yahey in Isbahaysigan yahay mid dabada ka riixayso Madaxweynaha Eritrea Afwoker oo hore uga qayb gashay shir ka dhacay Port Sudan,Taasoo mucaaradka Itoobiya qabsadeen.
Kala soo xidhiidh:-email caarshe7@hotmail.com
baraarugnews@gmail.com



