Xuduudka Somaliland iyo Itoobiya Waxaa Lagu Gawracay ?

Baraarugtv.com-Dhacdo ka dhacday xadka Somaliland iyo Itoobiya waxay dhalisay su’aalo culus oo ku saabsan caddaaladda, awoodda dawladda iyo sida loo maareeyo kiisaska dilalka marka ay ku lug yeeshaan laba dal.
Ma aha oo keliya sheeko ku saabsan qof dil galay iyo qof la dilay waa dhacdo taabanaysa mabda’a aasaasiga ah ee ah Xuquuqulinsaanka in qof kasta oo lagu eedeeyo dembi uu xaq u leeyahay maxkamad, difaac sharci iyo go’aan ka yimaadda hay’ad garsoor oo awood leh.
Sida loo Xaqiijiyey Warbaahinta Almis Somali Tv , nin lagu eedeeyay inuu dil ka geystay degmada Daroor ee Itoobiya ayaa u soo gudbay dhinaca Somaliland, halkaas oo ciidamada Somaliland ay gacanta ku dhigeen. Kadibna, iyadoo la raacayo codsi ka yimid dhinaca Itoobiya, ayaa loo gudbiyey ciidamada Itoobiya. Hase yeeshee, waxa muranka dhaliyay ma ahayn oo keliya wareejinta qofka eedaysanaha ah,
“balse Maxaa dhacay kadib markii la wareejiyay.
Wararka Naga soo Gaadhay dhacdadan waxay sheegayaan in ninkii la wareejiyay lagu toogtay amar ka yimid sarkaal ciidan, iyadoo aan la marin hannaan maxkamadeed oo cad oo lagu go’aamiyo dembiga, qisaasta, magta ama cafiska.
Dhacdani ayaa dhalinaysaa su’aal weyn oo ah yaa leh awoodda sharci ee go’aanka nolosha qof lagu joojin karo Ama Lagu Qisaasi karo ?
caddaaladdu waa in ciqaabtu ku timaaddo nidaam sharci ah. Dunida casriga ah, xitaa qofka lagu heysto dembiga ugu culus wuxuu leeyahay xuquuq uu ku helo maxkamad cadaalad ah. Qisaasta iyo ciqaabaha culus waxay u baahan yihiin go’aan ka yimaadda hay’ad sharci ahaan awood u leh, ee ma aha amar shaqsi ama go’aan ka dhashay dareen aargoosi.
Arrinta kale ee walaaca leh ayaa ah in haddii dadka fuliyay dilka ay ahaayeen ciidan ku jira Xayn daab dawladeed, ay masuuliyadda dhacdaddu ka gudbayso heer shaqsi oo keliya una gudbayso su’aal ku saabsan masuuliyadda hay’adaha dawladda.
Ciidamada dawladdu ma aha koox shacab ah oo fal ku dhaqaaqaysa; waxay matalaan hay’ad leh sharci, nidaam iyo waajibaad ilaalinta caddaaladda.
Waxaa sidoo kale muhiim ah in la kala saaro xidhiidhka qabiilka iyo awoodda sharciga. In qof la dilay uu qaraabo la yahay ama ay isku hayb yihiin dad kale ma siinayso qof kasta oo haybtaas ka tirsan awood uu ku go’aamiyo ciqaabta. Sharcigu wuxuu ka sarreeyaa xidhiidhada qoys iyo qabiil, sababtoo ah haddii kale caddaaladdu waxay isu beddeli kartaa aargoosi.
Dhacdadan waxay Somaliland iyo Itoobiya u noqon kartaa fursad ay dib ugu eegaan habka loo maareeyo eedaysanayaasha iyo iskaashiga amniga xuduudaha. Iskaashiga labada dhinac waa muhiim, laakiin waa inuu ku dhisnaadaa xeer, xuquuqda aadanaha iyo hannaan caddaaladeed oo la fahmi karo.
“Yaa lahaa awoodda sharci ee lagu go’aamiyay in qofkan noloshiisa la soo afjaro?
Haddii dawladuhu doonayaan inay dhisaan kalsooni iyo nidaam sharci oo xooggan, waa inay caddeeyaan in ciqaab kasta ay ka dhalanayso maxkamad iyo sharci, ee aanay ka dhalan karin cadho, cadaadis bulsho ama xidhiidh qabiil.
Eedaysanihii ay somaliland Qabtay kuma dhicin Gacan Masuuliyad leh waxaana Somaliland Dul Hoganaaya Ceeb ah Dayacaad Naf iyo tuhun Gacan Bidixayn ah
Dhanka Ethiopia waxaa Muuqata inaan la ixtiraamin Heshiisyada Isku wareejinta eedaysanayaasha iyo in Aan Lagu Kalsoonaan karin Masuuliyada Dawladnimada.
Wariye Cadnaan Cali
Almis somali tv
London office


