Ma Aamini-karaan Shacabka Reer Somaliland Dadka Madaxweyne Cirro U Dhiibay Wasaaradda Caafumaadka?

0
20

Baraarugtv.com-Waa arrin layaab iyo amakaag leh in Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, oo ah dhakhtar, uu si cad u sheego in MRI-gu leeyahay radiation, isla markaana taas uga dhigo bulshada sababta meel gaara loogu kireeyey si looga ilaaliyo bukaanka iyo shaqaalahaba.

MRI (Magnetic Resonance Imaging), sida magaciisuba caddeynayo, kuma shaqeeyo radiation ee wuxuu ku shaqeeyaa birlab (magnetic field) iyo hirar raadiye. Sidaas darteed, doodda ah in dadka looga fogeeyay “radiation-ka MRI-ga” waxay dhalinaysaa su’aalo culus oo ku saabsan heerka fahamka iyo xogta lagu hagayo go’aannada caafimaadka.
Marka masuul sare oo caafimaad uu bulshada u sheego macluumaad noocaas ah, ma aha oo keliya qalad la iska indho tiri karo; waa arrin dhaawacaysa kalsoonida shacabku ku qabaan wasaarada caafimaadka . Bulshada Somaliland waxay mudan yihiin xog sax ah, daahfurnaan iyo isla xisaabtan, ee ma mudna in lagu qanciyo dood aan waafaqsanayn xaqiiqooyinka aasaasiga ah ee cilmiga caafimaadka./qoray Gudoomiye xisbiga Kulmiye ee G/Maroodi Jeex.
Cabdiraxmaan Hadhiye.