0
4
Siddee Ninkan Loo Qabtay, Muxuuse Ahaa
Siddee Ninkan Loo Qabtay, Muxuuse Ahaa

Siddee Ninkan Loo Qabtay, Muxuuse Ahaa?

Siddee Ninkan Loo Qabtay, Muxuuse Ahaa
Siddee Ninkan Loo Qabtay, Muxuuse Ahaa

Baraarugtv.com-“Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Futojilic wuxuu ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhruuriyadda Somaliland, markii dagaalkii Laascaanood socday intii hore wuxuu joogay Hargeysa, dabayaqadii ayuu tegey, waxaanu laascaanood ka noqday Nurse, galab ay si gaade ah ku gubeen Buqdharkayn ayuu meel ciidanka Daarood ka danbaysay muuqaal iskaga duubay.

Intaas ka dib waxa uu tegey Hargeysa, gaar ahaana Wasaaradda Caafimaadka, waxaanu dalbaday mushaharkii in la siiyo, isaga oo sheegay in uu Garoowe jirey, iyada oo loo wado hawsha ayaa waxaa gartay oo qabtay askari Aadan lagu magacaabo oo Wasiirka hadda ka horeeyay, markii la qabanayay Xarunta Wasaaradda laga qabtay markii loo sheegay waxa uu yahay ee la yidhi waa lagu xidhayaa, wuxuu isku garaacay dhulka isaga oo ooyaya, ilaa uu gaadhay inuu isku xaaro si aan loo kaxayn oo loo sii daayo, maalintaas muuqaal ayay askarta xidhaysay ka duubtay.

Nasiib darro se laguma deyn waxaas ee waa la xidhay, waxaana markiiba toos loo geeyay geelka weyn.

Markii la xidhay ee warkiisu media galay dhalinyaradii dhulbahante cidii xasuusata way og tahay sida ay nacasnimadiisa ugu faaleeyeen media.

Ninkan cidna ma waraysan, lamana garaacin, reer iyo qoys u yeedhayna ma jirin ee mushahar doon ayuu ahaa, Laascaanood iyo Buuhoodle waxa ka jirana qofkasta oo reer Somaliland ah waa og yahay oo waxba kuma dahsoona, oo maba jirin xog laga waraysanayay. Waraysigan ujeedada ugu weyn ee uu ka leeyahay waa in Dhulbahante maadama uu denbi u haysto oo uu ahaa ninkii ugu horeeyay ee ka tanaasulay aragtidooda ee mushaharka doontay ahaa inuu hadda is dhaqo oo been isku dhaqo.

5 maalin ka hor ayay siidaysay Xukuumadda Cirro oo uu metelayay Cabdiqaadir Jirde oo isago u tafaxaytay sidii uu maxaabiista xidhan midba maalin u siideyn lahaa, markii media laga sheegayna Xukuumaddu way dafirtay iyada oo uu Wasiir Ku xigeenka Waxbarashadu beeniyay, balse nasiib darro ninkii maxabuuska ahaa ee la siidaayay ayaa soo hadlay isaga oo beena sheegaya iyagiina fashiliyay.

Ugu danbayn, xukuumadda Somaliland ayaa ku fashilan, xukuumaddu amar ahaan, xog ahaan iyo wadashayn midna dhexdeeda kama jirto taaso sababtay in ragga xukuumadda ku jira sida shacabka noqdaan war la’aan, qaarna waxay rabaan ay sheegaan.

W Qoray Lool Tv