Muxuu Daarnaa kulanka Suldaanka Guud Ee Habarjeclo Iyo Wasiirka Madaxtooyada

0
88

Wasiirka Madaxtooyada JSL oo Booqday Suldaanka Guud ee Beelaha Habarjeclo

Hargeysa(Baraarugtv.com)– Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi (Looge), ayaa booqasho sharafeed ugu tegay Suldaanka guud ee beelaha Habarjeclo, Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali Muuse.

Muxuu Daarnaa kulanka Suldaanka Guud Ee Habarjeclo Iyo Wasiirka Madaxtooyada
Muxuu Daarnaa kulanka Suldaanka Guud Ee Habarjeclo Iyo Wasiirka Madaxtooyada

Wasiirka ayaa kulankaasi ku muujiyey qadarin iyo ixtiraam uu u hayo Suldaanka, isaga oo tilmaamay in uu ka mid yahay odayaasha iyo haldoorka waaweyn ee qaranka, isla markaana door muhiim ah ka qaata nabadda, midnimada iyo talo-siinta bulshada.

Khadar Xuseen Cabdi Looge ayaa sidoo kale ku bogaadiyey Suldaanka kaalinta muuqata ee uu kaga jiro hagidda bulshada iyo ilaalinta dhaqanka suuban, isaga oo Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad taam ah iyo cimri dheer.

Dhankiisa, Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali Muuse ayaa uga mahadceliyey Wasiirka booqashada iyo tixgelinta uu muujiyey, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay wada shaqaynta iyo isgarab istaagga hoggaanka iyo bulshada.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa Alle uga baryey Suldaanka caafimaad iyo cimri barako leh.