“Noo Sheeg Wax Kasta Oo Aad Hayso Iyo Wax Kasta Oo Aad Ka Og-tahay Green Card Ilhan”” ayuu

0
26

Baraarugtv.com- Warbixin uu daabacay wargeyska The New York Times ayaa shaacisay faahfaahin cusub oo ku saabsan baaritaanka dowladda Mareykanka ay ku hayso kiiska Xildhibaan Ilhan Omar.

Sida uu sheegay qareen Bruce Rivers oo dagan Minneapolis nin lagu magacaabo Abdullahi Mohamed (Abdullahi Dheere) oo muddo kooban waardiye amni u ahaa Ilhan Omar mar ay booqatay Maamul goboleedka Puntland, ayaa baarayaasha dowladda federaalka isku dayeen inay ninkan ka helaan xog wax u dhimi karta xildhibaanadda.

Qareenka ayaa intaas ku daray in baarayaasha dowladda fedraalka ay Abdullahi su’aalo ka weydiiyeen taariikhda socdaalka iyo guurka Ilhan Omar, maadama uu xiriir dhow la lahaa islamarkaana uu booqday xafiiskeeda Washington DC.

Eedeynta ugu weyn ee qareenku soo bandhigay ayaa ah in baarayaashu ay Abdullahi u ballanqaadeen inay ka caawinayaan arrintiisa socdaalka iyo siduu ku heli laha sharciga mareykanka, kana hortagayaan in la masaafuriyo, haddii uu bixiyo xog ka dhan ah xildhibaan Ilhan Omar.

“Ujeeddada guud waxay ahayd: noo sheeg wax kasta oo aad hayso, wax kasta oo aad ka ogtahay,” ayuu yiri Rivers.

Abdullahi oo heysta dhalashada Somalia iyo Ingiriiska ayaa ku guursaday mareykanka isagoo dalbaday daganaanshaha Mareykanka (greencard)

Waxaa intaas ka sii yaab badan sheegashada qareenka oo ah in dacwad-oogayaashu dhowr jeer u sheegeen in baaritaanka Ilhan Omar uu 100% ka socdo Aqalka Cad (White House).

Dacwaddii dambiyeed ee Abdullahi waxaa dowladda laashay 4-tii Sebtembar, maalin kaddib markii uu hortagay xeerbeegti federaal ah oo baaraysay arrinta Ilhan Omar. Dowladda ayaa sabab uga dhigtay in Abdullahi Dheere lagu amray inuu wadanka isaga baxo.

Dhanka kale, afhayeenka Ilhan Omar ayaa tallaabada dowladda ku tilmaantay ku takri-fal awoodda madaxweynaha iyo isku day lagu cabsi-gelinayo dadka siyaasadda kaga soo horjeeda Trump.

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa diidday sheegashada xiriirka ka dhexeeya kiiska Abdullahi iyo baaritaannada kale, iyadoo sheegtay inaysan wax xiriir ah lahayn.

Wargeyska ayaa sheegay Abdullahi inuu isagoo ku sugan dalka kenya lagula xiriiray qadka Taleefonka balse uu diiday inuu wareysi bixiyo.