
Bal Eeg:-Ceebtii Iyo Faddeexad Tii Ugu Waynayd Abid Ayuu Dhex-fadhiyaa Caawa Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro
Hargeysa,(Warbaahibta Baraarugnews)-Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro,ayaa markii uu ku guulaystey jagada Kursiga Madaxweynimada Dalka Somaliland Madaxweynihii hore Muuse Biixi Cabdi uu saarey cumaamada, kuna wareeniyey masuuliyadda masiirka iyo talada hogaaminta shacabka reer Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.
Markii lagu wareejiyey Masuuliyaddii bulshadda iyo dalka Hogaamiyo wuxuu kala Hadley shacabka warbaahinta Madaxweyne Cirro, oo dhamaan xilligaa ay la joogeen kooxda matelaysa dawladda uu soo dhisay ee Masuuliyiinta u magacaabey Ha,yaddaha kala duwan ee maamulkiisa Cabdiraxmaan Cirro. 



Haddii aan dib-idin xasuusiyo kulankii wada-jirka ahaa ee Madaxweyne Cirro iyo Golaha Wasiiraddiisa iyo Agaasimayeyaasha iyo xubno kale oo loo magacaabey xilal ha,yaddo kale ah,Kuna sugnaa shirka maalintaa ayaa hadal fariin ah ok Madaxweyne Cirro u sheegay shacabla reer Somaliland ,oo baalihiisana taagan yihiin dadka u doortey in ay u adeegan bulshada dooratey Cirro fariin aheyd waxay dawladdiisu tahey Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro “Maanta waxaan u sheegayaa shacabka reer Somaliland gude iyo dibad-ba meel kasta oo aad joogtaan. dawladdeydu waa wada-jir iyo wax qabad.”ayuu yidhi Maddaxweyne Cirro maalintii uu la wareegay xilka madaxweynaha. Balse waxa maanta marqaati ku furay Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro innuu been u sheegay shacabka reer Somaliland wasiirkiisa Wasaarada Caafimaadka Xusseen Bashiir Xirsi.Sababtoo ah markii uu maanta Wasiir Xusseen Bashiir Xirsi beeshiisa Ayuub ku yidhi kaalaya iga Difaaca dadka dhaliilay shaqadii u igmadey madaxweynuhu innuu ugu adeego guud ahaan shacabka Somaliland.
Ninka halkan sawirkiisu idinka muuqdo,Kuna sheegay magaciisa Maxamed Dawlad beesha Ayuub ayaa tv-ga Horyaal ka Hadley ayaa yidhi.”Wasiirkii Caqfimaadka Xusseen Bashiir Xirsi ee Beeshayda ayaa la caayey oo Lagu gefay.”Sidaa ayuu yidhi Maxamed oo afhayeen Wasiirka caafimaadku u magacabey xilka ah afkiisa.
Sidoo kale,Wasiirka Caafimaadka xukuumada Cirro ayaa hore u sheegay innuu Wasiir u yahey beeshiisa Ayuub.kaasoo ku doodey in Cirro yahey kii Wasiir ugu deeqay beeshav Ayuub.
Su,aasha maanta loo baahan yahey innuu ka jawaabo Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cirro ma Wasiirkii caafimaadka ee shacabka reer Somaliland-baa,Mise Waa Wasiir Beesha Ayuub Ee Caafimaad_baa Xusseen Bashiir Xirsi.?
waxa qorey
Suxufi Cabdifatah Ismail Aarshe


