Xukuumaddii Hagoogane:- Ma Gashaanti Baan Ahay.?

0
24
Xukuumaddii Hagoogane:- Ma Gashaanti Baan Ahay.?
Xukuumaddii Hagoogane:- Ma Gashaanti Baan Ahay.?
  • Xukuumaddii hagoogane Ma gashaanti baan ahay sidee aamus laygu mehershaa?

    Xukuumaddii Hagoogane:- Ma Gashaanti Baan Ahay.?
    Xukuumaddii Hagoogane:- Ma Gashaanti Baan Ahay.?Baraarugtv com-Geelli Hagoogane markii daraawiish laga taabay ayaa geelaas loo bixiyey Hagoogane waxa waayeelku wariyeen, ninkii dhacay ee bursaday kibir iyo farxad buu la hagoogtay, ninkii laga dhacay ciil iyo muruguu la hagoogtay, kii ka qadayna oo aan colka galina qoomamo iyo shallay buu la hagoogtay.Madaxweyne Mustafe, Oday dhexyaal ah baan moodayay oo ergo qaad ah, oo xataa hadduu nacayb iyo colaad caloosha ku hayo qarsan kara, mar hore ayaannu ogaa dagaalkii iyo riixiddii aad ku haysay bulsho waynta gedaaanka, kahashada dadkayaga, ka xayuubinta milgaha iyo maamuuskooda, iska indha tirka, duudsiga xuquuqdooda ( structural violence), tani maaha dhaqan ugub ah ee waa soo tiil ay ku dhaqmi jireen dadka marqaanka iyo dawkhada xukunku indha tirtay. Waa Arrinta ugu wayn ee ummaduhu ku kala shakiyaan kuna kala kalsooni baxaan

100 ka xil ee fulinta ee aad magacawday waxay markhaati ka yihiin in calooshaadu ay qaaddo wax ka badan cunnada iyo caanaha.

Mar haddaynaan hayn maanta “xire “ siyaasadeed iyo mid dhaqan kaa hagarbeeya oo kaa talo siiya sidaad u ula dhaqmayso beelwaynta Majeerteen ee Doollo, Gobolka CeelCad iyo Gobolka Ciid kaaga ergoon mayno labadaada oday ee Xuseen Qasin Iyo Col Axmed Cumar jees ee geed fadhiga kuu ah.Waxannan haddaa nahay beelwaynta Majeerteen ku faraxsanayn inaad kaliya noo furtay albaabo aan kuwaaga ahayn inaan garaacno, options farabadan oo aan la leexleexanaynay in aan noo xalaalaysay si aan caddaalad iyo ka qaybgal u helno oo dalka iyo dadka wax ku yeelanno ama wax aan kaa farxin maqasho.

W/Q Suldaan Cabdisalaan

email baraarugnews@gmail.com ama caarshe7@hotmail.com