Khatarta Ka Dhex-aloosan Gudaha Magaalada Laascaanood

0
18

Baraarugtv.com-Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Waqooyi Bari ayaa Gaaray Baarlamaanka, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in Baarlamaanka maamulkaasi uu u kala jabay laba garab.Xildhibaano ka baxay garabkii hore ayaa la sheegay inay sameysteen waxa ay ugu yeereen Baarlamaanka Xorta ah ee Waqooyi Bari, kuwaas oo qorsheynaya inay doortaan guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen u gaar ah.

 

Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ayaa tilmaamaya in qaar ka mid ah xildhibaanada laga soo doortay Gobolka Cayn ay taageero u muujiyeen xildhibaanada ku dhawaaqay garabkan cusub.

Dhanka kale, waxaa la sheegayaa in kulamo isdaba joog ah ay ka socdaan guriga Madaxweyne Ku-xigeenka Waqooyi Bari, iyadoo aan weli la shaacin xilliga la qabanayo doorashada guddoonka garabkan cusub.

Maxay Kula Tahay ?