Xog Sir Ah:-Wasiiro Xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro Ah Iyo Xildhibaano Ka Tirsan Aqalka Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Ka Shaqeeyay Qaabkii Meesha Looga Saari Lahaa Kiiska Fanaanada Farxiya Fiska
Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Xukuumadda Madaxweyne Cabdirwxmaan Cirro ee Somaliland Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac,Xildhibaan Barkhad Batuun, Boqor Iimaan,ayaa la sheegay in ay ka shaqeeyeen,siidaynta fanaan Mukhtaar Aktoobar saldhiga uu ku xidhnaa ee magaalada Hargeysa Mukhtaar Oktobar oo ku eedaysnaa innuu weerar isku-day Dil ah ku qaadey Fanaanadda Farxiya Fiska oo ku sugnayd guri ay ka degnayd caasimada Somaliland ee Hargeysa oo iyadu iska laheyd.



Askar ka tirsan ciidanka booliska magaalada Hargeysa oo ka cudur-daartey in magacooda la sheego sababo la xidhiidha in saameyn ku yeesho warkan shaqadooda,ayaa u sheegay shabakada wararka ee Baraarugtv.com in markii la soo xidhay Mukhtaar Aktoobar ay lahadleen rag qoyskiisa ah Xildhibasn Barkhad Batuun iyo Boqorka baalka goroyada koofiyada ka dhigta ee Boqor Iiman,ka dib ay la xidhiidheen Taliyaha Booliska Somaliland Cabdi Dheere,si ay uga Sii dayaan Saldhiga uu ku xidhnaa Mukhtaar.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in Boqor Iimaan uu khadla telifoonka gacanta kula xidhiidhay Wasiirka wasaarada Beeraha Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac,kaasoo u sheegay in fanaankooda la isugu tegay,kana dalbadey in damiin ahaan lagu sii daayo oo isagu Boqor u yahey fanaanka Mukhtaar.
Sidoo kale,Bowor Iimaan oo gacan weyn ku lahaa magaabista Wasiirka Beeraha Maxamd X. Cismaan magacaabistiisa oo abaal-weyn ku lahaa ayaa wasiirka beeraha ka dalbadey inuu kala hadlo kiiska Gudoomiyaha maxkamada degmada Hargeysa Yaxye Xusseen Yuusuf oo UU u sheegay innuu yahey nin dhaladho ahaan beesha Madaxweynihii hore ee Muuse Biixi ee Sacar Muuse,taasoo Boqor Iimaan sheegay in uu dagaal la galeen isaga iyo Xildhibaan Barkhad Batuun,halka Wasiirka beeraha la caqiijiyey innuu la xidhiidhay Gudoomitaha maxkamada iyo xeer ilaalinta soo oogaysay kiiska.
Dhanka kale,qaar ka mid ah ilaalada askarta xafiiska, ayaa u sheegay warbaahinta Baraarugtv.com in wasiirka beeruhu salad hore oo subax ah kulan hoose oo albaabku u xidhan yihiin la yeeshay Guddoomitsha maxkamada Yaxye Xusseen Yuusuf.Isla markaana askarta booliska ayaa xusay in Wasiirka beeraha uu gacan-weyn ku leeyahey,si-meesha looga saaro in cadaalad hesho Fanaanada Farxiya Fiska.Balse qaar ka mid ah saraakiisha booliska Somaliland,ayaa walaac xoogan ka muujiyey,haddii wax Laga qaban
xeer ilaalinta baadhista kiiska Farxiya Fiska oo dababasayaan,ama in cadaalad hesho ka leexinaaya Wasiirka beeraha Xaaji Cismaan Jaamac,Xildhibaan Barkhad Batuun iyo Boqor Iimaan,lagu qanciyo maxkamada in laba qof oo nin iyo naagtiisii oo is dilay yihiin iyo arrimo qoys tahey,Waligeedna nin iyo gabadhiisu gacan kala gaadhi jirtey. Isla markaana waxay ku doodeen Askarta boolisku in fanaanada Fiska oo dhaawac ah,cisbitaal-na ku jirta si-dhakhso ah uga sii-daayeen saldhiga magaalada Hargeysa fanaanka Mukhtaar Oktobar oo ku eedaysnaa innuu weerar isku-day Dil ah ku qaadey Fanaanadda Farxiya Fiska oo ku sugnayd guri ay degnayd oo ku leedahey magaalada Hargeysa.Iyagoo soo jeediyey inta arrinku dhaw yahey Laga qabto wax siddii cadaalad ugu dhaco kiiska.
kala soo xidhiidh
email caarshe7@hotmail.com or baraarugnews@gmail.com



