Xildhibaan Maxamed Abiibow Dagaalkii qarsoonaa ee Madaxweyne Geele, Waxa fashiliyey go,aankii Reer Awdal”
Waxa qorey Xildhibaan Rabiile Xaaji Abiib
‘Dalka Jabuuti farogalin ciidan kuma samayn karo gobolka awdal waayo waa dal ay fadhiyaan quwadihii waaweynaa halis ayaa ka dhalanysa. Itoobiyana way ka sii darantahay oo muranka gobolka ayaa cirka isku shareeraya. Waxa intaa dheer, Ina geelle wuu ogyahay in aan dagaal qabiil la gu macaashin oo khasaaraha u gu badan isaga ku dhacayo.
Sidaa-darteed, farogalinta dhanka ciidanka waxa loo adeegsaday labo waji oo dawakhaad galiyay SL iyo beesha Gadabuursi.
Wajiga koowaad waxa uu ahaa mid nafsi ah oo la gu niyadjabinayo, waxa la ga dhigay in juuj wa maa juug ay Ayshaca fadhiyaan hadaan la ga hortagina SL iyo Gadabuursi ba la waayi doono. Waxa la gaadhsiiyay madaxda amniga SL heer ay magansadaan Aaden Faarax, Madaxeyne ku-xigeenka DDS, gandaha beesha Ciise iyo sirdoonka Jabuuti Ilaa qorshaha amniga iyagu ay soo dejiyaan.
Wajiga labaad na waxa uu ahaa in la soo xulo ciidamo hayb gaar ah u badan. Ciidamadan waxa loo qorsheeyay laba arrimood. Midka koowaad waxa uu ahaa in la gu xanuujiyo beesha Gadabuursi ee ka hortimid XC, si loo kala fogeeyo beesha iyo SL, midka labaad na waxa uu ahaa in ay soo banneeyaan jiidaha dagaalka waa marka magaalada Borama ay ka baxdo gacanta SL, labada hadaf na sidii loo qorsheeyay ayay u fuliyeen.
Xildhibaan Maxamed Abiib waxan leeyahay dagaalkii jooga hoose ku socday ee ay soo qaadeen Xasan Sheek iyo Ina geelle waxa uu meesha ka baxay maalinkii reer Borama Alle garansiiyay in gacanna ay ku diidaan go’aankii xukuumadda gacanna ku ilaashadaan amniga iyo kala danbaynta. Waxa salaada jinaasada lagu tukuday maalinkay Isreal soo cago-dhigatay.
Believe me, 7 Dec iyo 9 Dec waxa dalka soo galay tiraba 9 xubnood oo isugu jira hay’adda Mosad iyo xildhibaano, kuwaas oo u socday howsha laga wado gobolka Awdal.
Marka waxa aan leeyahay ninkii Ina geelle iska jecelow, odeygu maanta waxa uu ka beryayaa Abiye Ahmed in aanu ku istaadhin dagaalka canfarta iyo Oromada. saaxiibkii gurguurte na waa taa teendhadii la la aaday.
Malafka ku saabsan inqilaabkii dhicisoobay dhawaan ayaan daaha ka faydeynaa Inshalah.



