Taliska Ciidamada Africom Oo Ka Hadley Kooxaha ISIS Iyo Al-shabaab Goobaha Ka Joogaan Puntland Iyo Waqooyi-bari

0
38

Puntland,(Baraarugtv.com)-Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa difaacay kordhinta duqeymaha cirka ee ay ka wadaan Soomaaliya,iyagoo sheegay in ay yihiin,taageero muhiim ah, oo ka caawisay ciidamada Soomaaliya inay daciifiyaan kooxaha ISIS la xidhiidha, isla markaana ay ilaashadaan dhulal muhiim ah,gaar ahaan waqooyi-bari dalka.
Taliyaha AFRICOM, Jeneral Dagvin Anderson, ayaa shir jaraa’id qabtey oo onlayn ah ku sheegay in duqeymaha lagu fuliyay iskaashi dhow oo lala yeeshay ciidamada Soomaaliya, isla markaana ay bixiyaan awoodo ay ciidamadu kaligood heli karin sida-
“sirdoon horumarsan
dabagal iyo kormeer
beegsasho sax ah.”
Hadalkan ayaa ku soo beegmaaya xilli si dhow loo eegayo howlaha militari ee Maraykanka ka wado Soomaaliya,halkaa oo Maraykanku kordhiyay weerarrada cirka ee ka dhanka ah ISIS iyo Al-Shabaab.
“AFRICOM waxay tusaale u soo qaadatay howlgalladii ka dhacay Buuraha Golis ee maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland.
ciidamada Soomaaliya oo helaaya taageero cirka iyo sirdoon Maraykan ah ay weerar ku qaadeen maleeshiyaadka ISIS ee ku dhuumaaleysanayay dhulka buuraleyda ah. AFRICOM waxay sheegtay in
dhulkii ay haysteen ISIS la yareeyay
hoggaankoodii lagu qasbay inay dhuuntaan
awooddoodii isku dubaridka howlgalada ay daciiftay
Mas’uuliyiinta AFRICOM waxay kaloo sheegeen in duqeymaha cirka ay yihiin hal qeyb oo ka mid ah iskaashiga amni ee Maraykanka iyo Soomaaliya.
Sidoo kale, la xusay in Maraykanku ka caawinayo Soomaaliya xoojinta ammaanka badda.


Si loola socdo biyaha dalka
looga hortago tahriibinta hubka
burcad-badeedda,kalluumaysiga sharci darrada ah.
Maraykanku wuxuu sheegay in amni darrada badda ay si toos ah ugu xiran tahay xasillooni darrada guud ee gobolka, gaar ahaan Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.
Email caarshe7@htmail.com
baraarugnews@gmail.com