Sreal,Baraarugtv.com)-Warbaahinta The Jerusalem Post, ayaa qortey maanta oo Jimce ah,ayaa ka dhacay waqooyiga Israel,kadib weerarro cusub oo laga soo qaaday koonfurta Lebanon, taasoo sii kordhisay xiisadda ka taagan xadka.
Adeegga gurmadka degdegga ah ee Israel, Magen David Adom, ayaa sheegay in laba qof oo rayid ah ay ku dhaawacmeen galabnimadii kadib mowjad cusub oo gantaallo iyo weerarro ah.
Dhakhaatiirta gurmadka ayaa sheegay in dhaawacyadu ay ahaayeen kuwa fudud.
Haweeney 50 jir ah ayaa ka dhaawacantay gacmaha iyo lugaha kadib markii ay haleeshay firirka qaraxa (shrapnel).
Nin 60 jir ah ayaa dhaawacmay kadib hirarka qaraxa ee gantaalka.
Labada qofba waxaa la siiyay daryeel caafimaad, iyadoo kooxaha gurmadku si degdeg ah ugu kala firdheen deegaannada ay waxyeelladu gaadhay.
Dhacdadan galabtii ayaa timid saacado kadib weerar aad uga culus oo dhacay aroortii, markii gantaallo ballistic ah lagu weeraray waqooyiga Israel, taas oo sababtay dhaawacyo badan.
Saraakiisha gurmadka ayaa sheegay in 58 qof ay ku dhaawacmeen kadib markii gantaal ku dhacay meel u dhow guryo ay dad degan yihiin.
Kooxaha dab-damiska ee Israel Fire and Rescue Authority ayaa si degdeg ah u gaadhay goobta, halkaas oo gantaalku ku dhacay meel u dhow afar guri.
Hal guri ayaa si weyn u burburay
Gaadiid dhowr ah ayaa waxyeello soo gaadhay
Dab ayaa ka kacay dhisme u dhow oo ku fiday beer bannaan, ka hor inta aysan dab-damiyayaashu ugu dambayn xakamayn.
Xiisadda xadka u dhexeeya Israel iyo koonfurta Lebanon ayaa sii kordhay



