Xildhibaan Maraykan ah Chris Smith oo soo dhaweeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, kuna boorriyay dalal kale inay ku daydaan
USA,(Baraarugtv.com)-Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maraykanka, Chris Smith, ahna Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Wakiillada u qaabilsan Afrika, isla markaana ah guddoomiye ku-xigeenka Golaha Saaxiibbada Israa’iil ee Kongareeska, ayaa soo dhaweeyay aqoonsiga rasmiga ah ee ay Israa’iil siisay Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal madax-bannaan oo leh qaran-nimo buuxda.
Sidoo kale, ugu baaqay dalal kale, oo uu ku jiro Maraykanku, inay tallaabo la mid ah qaadaan.
“Waxaan soo dhaweynayaa aqoonsiga rasmiga ah ee Israa’iil siisay Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda, waxaana rajaynayaa in dalal kale, oo uu ku jiro Maraykanku, ay raacaan,” ayuu Smith ku sheegay bayaan uu soo saaray kaddib ku dhawaaqista Israa’iil ee aqoonsiga Somaliland.
Smith wuxuu muujiyay sumcadda dimuqraadiyadeed ee Somaliland, isagoo ku tilmaamay dal leh nidaam dimuqraadi ah oo shaqaynaaya, isla markaana muujiyay bisayl siyaasadeed, kadib markii ay si nabad ah awoodda ugu kala wareegtay xukuumadihii ka dambeeyay doorashooyin dhacay in ka badan hal sano ka hor.
“Somaliland waa dal dimuqraadi ah oo shaqaynaya, taas oo ay caddeyn u tahay kala wareejintii nabadda ahayd ee awoodda kaddib doorashooyinkii dhacay in ka badan hal sano ka hor — waana tusaale naadir ah oo wanaagsan oo ka jira Geeska Afrika, isla markaana guud ahaan qaaradda Afrika,” ayuu yidhi Xidhibaan Smith.
Xildhibaanku waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyay muhiimada istaraatiijiyadeed ee Somaliland u leedahay amniga qaranka Maraykanka, isaga oo tilmaamay goobteeda juquraafiyeed ee ku taal marinada badda ee caalamka ugu muhiimsan, iyo dekedda biyaha-dheer ee Berbera oo ku taalla Gacanka Cadmeed. “Goobta istaraatiijiyadeed ee Somaliland iyo dekedda biyaha-dheer ee Berbera waxay muujinayaan muhiimaddeeda amni ee ay u leedahay Maraykanka,” ayuu yidhi Smith.
Xigasho Adis Standard
office email:-baraarugnews@gmail.com



