Dalka Yemen ayaa gashay Xaalad Khatar waji cusub ah,

0
41

Yemen,(Baraarugtv.com)-Dalka Yemen ayaa gashay Xaalad Khatar waji cusub ah, kaddib markii hoggaamiyaha Golaha Koonfurta Yemen (STC), Caydaruus Al-Zubaydi oo ay Imaaraadku taageeraan uu ka baaqsaday inuu tago magaalada Riyadh ee caasimadda Sacuudiga, halkaas oo lagu waday in wadahadallo uga furmaan isaga iyo Golaha Hoggaaminta Yemen. Markii hore waxaa soo baxay warar sheegaya in Caydaruus uu ka baxsaday Yemen, isla markaana uu ku sugan yahay meel aan la aqoonsan. Hase yeeshee, warsaxaafadeed ay sii daayeen Golaha Koonfurta Yemen (STC) ayaa lagu caddeeyay inuusan baxsan, balse uu weli ku sugan yahay magaalada Cadan, sida ay werisay Al Jazeera.Warsaxaafadeedka STC ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay lumiyeen xiriirka wafdi ka socday oo horay ugu sugnaa magaalada Riyadh.

Isbeddelkan, wuxuu dhaliyay inuu Sacuudiga dib u billaabo duqeymo ka dhan ah STC . Arrintaas waxaa barbar socday go’aan ka soo baxay Golaha Hoggaaminta Madaxtooyadda Yemen oo ah isbahaysi ay ku mideysnaayeen dhinacyada koonfurta Yemen ee Sacuudiga iyo Imaaraadka ay kala taageeraan , kaas oo lagu dhawaaqay in laga qaaday xubinnimadii golaha madaxtooyadda ee hoggaamiyaha STC, Caydaruus Al-Zubaydi. Sidoo kale, waxaa la furay dacwad khiyaano qaran ah oo si rasmi ah loogu eedeeyay.

Weli ma cadda in dhacdooyinkan ay horseedi doonaan burbur buuxa oo ku yimaada Golaha Koonfurta Yemen (STC) ee Imaaraadku taageero. Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqata in xaaladda Yemen ay gashay marxalad cusub oo sii xoojinaysa khilaafka, kaddib markii meesha laga saaray iskudaygii Sacuudiga uu ku doonayay in Yemeniyiintu ku gaaraan gogogasha uu dhigay Riyadh , wadahadal iyo is-afgarad siyaasadeed.