Baraarugtv.com-“Waxay ii tahay sharaf weyn inaan noqdo wasiirkii ugu horreeyay ee Israa’iil ah ee booqasho diblomaasiyadeed rasmi ah ku tagay Somaliland, anigoo ka jawaabaya casuumaadda Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.
Booqashadani waa farriin cad oo muujinaysa go’aankeenna ah inaan si xooggan u xoojinno xidhiidhka u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland.
Maanta waxaan wadahadallo miro-dhal ah la yeelannay Madaxweynaha iyo xubnaha sare ee xukuumaddiisa, annagoo ka wada hadalnay dhammaan dhinacyada iskaashiga labada dhinac.
Aqoonsiga is-dhexgalka iyo dhisidda xidhiidh diblomaasiyadeed ee labada dal looguma jeedo cid gaar ah. Ujeeddadeennu waa horumar iyo dan wadaag oo faa’iido u leh labada qaran.
Anigoo jooga Hargeysa, waxaan si cad u sheegay: Israa’iil keliya ayaa go’aansanaysa cidda ay aqoonsanayso iyo cidda ay la sameysanayso xiriir diblomaasiyadeed.
Madaxweynaha Somaliland wuxuu ii sheegay inuu aqbalay casuumaadda Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, isla markaana uu booqasho rasmi ah ku tegi doono Israa’iil.”wasiirks arrimaha Dibadda Israa,iil



