Ruushka (Baraarugtv.com)-ciidamada Maraykanku ay la wareegeen markabka shidaalka ee Marinera, Ruushka ayaa soo saaray hanjabaad culus oo ku saabsan weerar dhanka gantaalaha ah oo uu ku qaado Maraykanka.”Jawaab milateri ayaa lagama maarmaan ah: waa in lagu weeraro torpedoes, lana dejiyo dhimo ka mid ah maraakiibta Ameerikaanka,” Sidaa waxa yidhi Alexey Zhuravlyov, oo ah xildhibaan ka tirsan aqalka baarlamaanka Ruushka Duma.
Xildhibaan Alexey Zhuravlyov oo ka mid ah siyaasiyiinta aadka u garab taagan dagaalka, wuxuuna hadalkan ka sheegay mid ka mid ah telefishinnada ugu weyn dalka Ruushka.
- Sidoo kale,hadallada Ruushka ayaa muujinaaya cadhada weyn ee ka jirta Kremlin-ka, ka dib markii Maraykanku uu dhexda ka qabtay markab calanka Ruushka sitay.Isla markaana Ruushka ayaa hore u sheegay inay goobtaa u soo direen maraakiib gujis ah, taasoo ka dhigaysa hanjabaadda mid si dhab ah looga baqan karo haddii amar milateri uu soo baxo inay adduunyadu galey xaalad khatar ah ok dagaalka saddexaad ah.



