Dowladda Soomaaliya Oo Ka Hirgelisay Ciidamo Deegaano Ka Mid Ah Puntland

0
149

Laascaanood,(RSI TV)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga hirgelisay deegaano ka mid ah Puntland Guutada 32-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaddib markii Villa Soomaaliya ay bilowday bixinta mushaharka ciidamo hore uga tirsanaa Puntland oo muddo hakad ku jiray. Balse xogahaa ayaa tilmaamey in waqooyi bari ee beesha dhulbahante ee Firdhiye in Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud u isticmaalo,siddii dagaal ugu qaadi lahaayeen maamul-goboleedka soomaaliya ee Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in askartan, oo horay uga mid ahaa ciidamada Puntland, ay waayeen mushaharkoodii kaddib khilaaf soo kala dhex galay maamulka Puntland iyo Dowladda Federaalka. Arrintaas kaddib, Dowladda Federaalka ayaa go’aansatay in ay si toos ah u bixiso mushaharka ciidamadaas, iyadoo ku dartay qaab dhismeedka Ciidanka Xoogga Dalka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu mideynayo ciidamada qalabka sida ee dalka, lana doonayo in dhammaan ciidamada Soomaaliyeed ay hoos yimaadaan hal talis qaran.

Dhanka kale, maamulka Puntland ayaan weli si cad uga hadlin hirgelinta Guutada 32-aad, hase yeeshee tallaabadan ayaa imaneysa xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka, gaar ahaan arrimaha dastuurka iyo awood qeybsiga.

Xaaladda amni ee deegaanada ay ku sugan yihiin ciidamadan ayaa weli degan, inkastoo dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ay sheegayaan in tallaabadan ay saameyn ku yeelan karto xiriirka u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka mustaqbalka dhow.