Garoowe,(Baraarugnews.com) Madaxweynaha maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxa sirdoonka dalka Israel David Barnea,ayaa la sheegay in xidhiidh hoose oo cilaaqaad ah ka dhexeeyo,isla markaana us ka shaqeeyay oo ay abuureen Imaaraadka carabta.
Waxaa jiray wadahadallo dhex maray wakiilo ka socday sirdoonka Israel iyo Deni oo ka dhacay Imaaraadka. Kulamadan, waxa ay dhex mareen Deni iyo xubno ka mid ah qoyskiisa, waxaana fududeeyey sirdoonka Imaaraadka.
Intaas waxaa dheer, Dawladda Imaaraadka iyo sirdoonka Israel ee Mossad, waxa ay kaalin weyn ku lahaayeen caadiyeynta xiriirka Puntland iyo Somaliland. Sido kale, waxa ay hindiseen qorshaha goonni-u-goosadka Puntland. maaraadka oo wakiil ka ah Israel, ayaa mashruuca sahyooniga ah ee Puntland ku bixiya malaayiin dollar oo la gu qaabaynayo aragtida dadweynaha. Haddii aad aragto weriyayaal iyo u-dhaqadhaqaaqayaal siyaasadeed oo reer Puntland ah, kuwaas oo wada qorshe ka dhan ah Soomaaliya ama caawinaya narrative-ka aqoonsiga Israel ee Somaliland, dhammaan waxa ay ka shidaal qaadanayaan mashruucan sahyooniga ah. Mar aan fogayn, waxaa soo bixi doona warbixinno iyo arrimo waaweyn.



