Canada,(Baraarugtv.com)-Warbaahinta dalka Canada laga lee yahay CBC ayaa soo bandhigtay xogta waddamada 10 kii sano ee la soo dhaafay sida sharci darrada ah u guranayey Kalluunka iyo Khayraadka Badda ee ku jira Biyaha Soomaaliya. Waddamadan waxa ay si joogta ah u qaataan Khayraadka Badda waxaana mid walba ka jooga Maraakiib wata shabaag gaadhaysa gunta badda oo xaaluf aad u xooggan halkaas ka wada.
Liiskan waxa ugu horreeya Iran oo Soomaaliya kaga kalluumaysata 711 Markab, waxa ku xiga Shiinaha oo Soomaaliya kaga jillaabta 186 Markab, waxa soo raaca Kuuriyada Koonfureed oo 13 Markab ka joogaan xeebaha Soomaaliya, waxa ku sii xiga Sri lanka oo ay joogaan lix Markab iyo weliba Jamhuuriyadda Djibouti oo ay joogaan 6 Markab. Dhammmaanba Maraakiibtan waxa ay badda Soomaaliya soo galeen 10 kii sano ee la soo dhaafay.
Waxa xusid mudan in waddamada gurta Kalluunka Soomaaliya ay ku jiraan dalalkaa Panama iyo Honduras oo dhaca Qaaradda Ameerika kuwaas oo masaafo aad u dheer u soo gala in ay wax ka boobaan khayraadka dalka Soomaaliya.
Turkiga ayaa dhowaan ku soo biiray waddamada u beratamaya Khayraadka Soomaaliya ilaa haddana ma jirto cid wax ka qabatay Khayraadka sida sharci darrada ah lagu guranayo ee Soomaaliya.



