- Garoowe,(Baraarugtv.com)-Ciidamada Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa maanta xidhay jidka u dhaxeeya Magaalooyinka Garoowe iyo Laascaanood.

Ciidamadda Puntland Oo Xidhay Waddada Isku,-xidha Magaalooyinka Laascaanood Iyo Garoowe
Ciidamo ka tirsan ciidanka Puntland,ayaa xidhay waddada weyn ee isku xidha gobollada Puntland, gaar ahaan laamiga mara deegaanka Kalabayr iyo Garoowe,taasoo hakad gelisay isu-socodka gaadiidka iyo ganacsiga.
Sidoo kale, talaabadan Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi,ayaa la sheegay inay abuurtay welwel iyo walaac amaan-daro ah oo soo wajahday dadka ku dhaqan xaga bariga iyo gudaha magaalada Laascaanood.
#Warbaahinta Baraarugnews



