Jabuuti,(Baraarugtv.com)-Dawladda Masar ayaa la gashay dawladdaha Jabuuti iyo Eritrea heshiis ah in ay adeegsan karaan ciidamadeedu dekedaha Cassab iyo Dooraale Port oo ku yaala gacanka Baabul Mandab, taasoo caqabad ku noqonaysa Itoobiya.
CASAB, Itoobiya ayaa rabta in ay qabsato oo sheeganaysa, Dorale waa dekeda ay hadda wax kala dagto Itoobiya Addis ababa.
Ku-xigeenka Ra’iisulwasaaraha ahna wasiirka gaadiidka Masar Kamel El Wazi ayaa tagay labada dalba oo heshiiskan la galay, kaas oo dhabaha u xaaraya heshiisyo ay horey si gaar-gaar ah u wada galeen hoggaamiyayaasha dalalkan & Madaxweynaha Masar.
Dhanka kale,Maalmo uun markii wafdiga dawladda Masar ka tageen Jabuuti, ayuu Raysal,wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed u safray Jabuuti oo uu wada hadal layeeshay madaxda Jabuuti,Ismaaciil Cumar Geelle, kaasoo ay sheegeen in ay dhab uga wada hadleen iskaashigooda iyo amniga gobalka.
email baraarugnews@gmail.com



