“Haddii Soomaaliya Dagaal Ku Soo Qaado Somaliland Way Ku Jabi-doonaan.Sucuudiga Turkiga Masar…”Cabdiraxmaan Cirro
Hargeysa,(RSI TV)-Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo maanta kulan la qaatay hoggaanka saddexda xisbi Qaran iyo golaha wasiirrada ayaa sheegay in Sacuudiga, Turkiga iyo Masar uu hore ugu diray warqadda codsiga Ictiraafka si la mid ah raysal wasaaraha Israa’iil balse aanay ka soo jawaabin.
Madaxweyne Cirro waxa kale oo uu sheegay in waddamada deris ah ee Somaliland cawaada u muujiya ay il gaar ah ku eegi doonaan.
Dhinaca kale waxa uu sheegay in haddii Soomaaliya dagaal soo qaado ay ku jabi doonaan.
Madaxweyne Cirro waxa uu sheegay in hore midnimada Soomaalida Hargeysa laga bilaabay haddana ay xaq u leeyihiin in ay noqdaan waddanka madax-bannaan oo aanay dahanooda cidna waydiinayn.
#RSI TV



