“waxaa laga yaabaa gabaygii shalay mid ka xun in xadhigaasi sababo?

0
6

Baraarugtv.com-“Madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro ogow had mooyee habaar looma dhinto, waxaa laga yaabaa gabaygii shalay mid ka xun in xadhigaasi sababo sidaas darteed waxaan kuugu baaqayaa Madaxwayne inaad Abwaan Jiheeye xoriyadiisa u soo celiyo.

Haddii ay Madaxwayne kugu adag tahay in aad Abwaan Jiheeye xoriyadiisa u soo celiso, haddii kale waxay cadaaladu ku jirtaa in la soo xidho dhamaan abwaanada u soo jawaabay Abwaan Jiheeye ee adiga ku difaacayay.
Wax-garadka Beesha Arab waxaan ugu baaqayaa in Abwaan-ka & Madaxwayne arintooda in ay galaan oo haddii Abwaan gardaro ku socda na ay qabtaan, haddii xaq ka maqan yahay na ay xaqiisa u doonaan.
Talo waayeel, anigu Abwaan Jiheeye & Madaxwaynaha ba lexjeclo wayn baan ka qabaa mana rabo in arintoodu ay meel xun gaadho.
Tusan.”Ayuu yidhi Siyaasi Ibrahim Adam Aw Qoobey