Itoobiya ee marin badeed iyo muhiimadda juqraafiyeed ee Somaliland ay weli yihiin arrimo miisaan weyn ku leh siyaasadda Geeska Afrika.

0
3

Baraarugtv.com-#Machadka Cilmi-baadhista Warbaahinta Bariga Dhexe (MEMRI) ayaa sheegay in heshiiskii is-afgaradka (MoU) ee Somaliland iyo Itoobiya uu weli leedahay muhiimad istaraatiiji ah, isla markaana ay tahay in labada dhinac ay ka shaqeeyaan sidii heshiiskaas loo sii wadi lahaa

Warbixin cusub oo uu machadku soo saaray ayaa ku dooday in loo baahan yahay istaraatiijiyad iyo wada-hadal wax-ku-ool ah oo labada dhinacba danahooda lagu ilaaliyo.

MEMRI waxay xustay in MoU-ga la saxeexay 1-dii January 2024 uu la xidhiidhay doonista Itoobiya ee helitaanka marin badeed iyo danaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku aaddan aqoonsi caalami ah.

Heshiiska ayaa sidaas darteed yeeshay muhiimad ka baxsan labada dhinac, maadaama uu taabanayo ammaanka, ganacsiga iyo loollanka istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika iyo Gacanka Cadmeed.

Machadku wuxuu soo jeediyay in halkii heshiiskaas laga tegi lahaa ama lagu wajihi lahaa is-mariwaa siyaasadeed, loo baahan yahay in la sameeyo hannaan cad oo lagu sii horumarinayo iskaashiga, gaar ahaan dhinacyada marin-badeedka, ganacsiga iyo isku-xidhka Berbera iyo Itoobiya iyo aqoonsiga jsl.

Sidoo kale, falanqaynta cusub waxay muujinaysaa in baahida Itoobiya ee marin badeed iyo muhiimadda juqraafiyeed ee Somaliland ay weli yihiin arrimo miisaan weyn ku leh siyaasadda Geeska Afrika.

#Mou #Somaliland #Ethiopia #redsea