Baraarugtv.com-Shirkad maanta Qoyska ciro uu shaqaysay oo keliya faa’iiday 17,238 Dollar
Arrimaha ku cusub Imtixaanadka shahaadiga Somaliland ee sannadkan waxa ka mid ah in ardayda natiijada eeganaysa laga qaado 0.4 Dollar iyaga oo ka eeganaya adeeg ay bixinayso shirkadda Telesom.
Ardayda ayaa laga doonayaa in ay iska diwaan gelinayaan adeeggan si ay u helaan xogta natiijada imtixaanka fasallada 8-aad iyo fasallada 4-aad ee dugsiga sare.
Xogta Ardayda waxa shirkadda siisay wasaaradda Waxbarashada Somaliland.
Wadarta lacagta guud ee eegista natiijada oo keliya ka soo xeeroonaysa ayaa noqonaysa 17,238 Dollar.
Dugsiga sare : 16,119*0.4 = 6,447.6
dugsiga dhexe : 26,116*0.4 = 10,446.4
farsamada gacanta : 860*0.4 = 344
Hore waxa lacag u ahaa waxbarashada ardayga, buugaagta uu wax ku baranayo, gaadiidka uu raacayo, aqoonsiga uu Imtixaanka ku gelayo, Shahaadada ,waxana hadda lacag noqonaysa in ardaydu eegitaanka natiijada imtixaankii ay galeen.
Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa hore u siin jirtay shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland xogta natiijada balse lacag laguma xidhi jirin.
Waxa xusid mudan in aan wasaaradda waxbarashada iyo xafiiska Imtixaanaadku barahooda bulshada ku shaacin natiijada Ardayda ama aanay u tilmaamin bog rasmiga oo Ardaygu ka eegto oo dawliya.

