Waa Kuma Safiirka Cusub Ee Israa’iil U Magacawday Somaliland ?

0
117

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa qaaday tallaabo awal ah oo lama filaan ah, kadib markii ay si rasmi ah u magacawday safiirkoodii ugu horreeyay ee u qaabilsanaan doona Somaliland, oo ay dhawaan dal u aqoonsatay.

Muxuu yahey Go’aanka Tel Aviv?

Guddiga magacaabista wakiilada dibadda ee Israa’iil, oo uu guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa’ar, ayaa maanta si rasmi ah u meelmariyay laba magacaabis oo dublamaasiyadeed oo cusub, kuwaas oo isbeddel weyn xambaarsan.

Waa Kuma Diblumaasigan cusub!

Danjire Michael Lotem, oo horay u ahaa safiirka dhaqaalaha ee Israa’iil u qaabilsan qaaradda Afrika, ayaa loo magacaabay inuu noqdo Safiirkii ugu horreeyay ee Israa’iil u fadhiya Somaliland. In kasta oo uu markii hore ahaan doono “safiir aan deganayn” (non-resident), haddana magacaabistani waa mid xambaarsan miisaan siyaasadeed oo culus. Lotem waa dublamaasi khibrad weyn leh oo horay usoo noqday safiirka Israa’iil ee Kenya, Azerbaijan iyo Kazakhstan.

Maxay Tani Ka Dhigan Tahay?

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli jidadka badda ee Badda Cas iyo Gacanka Cadan ay noqdeen furin lagu loolamo. In Israa’iil ay xiriir dublamaasiyadeed la samaysato Somaliland waxay fariin adag u diraysaa dalalka gobolka.