degmooyinka Laga maalgeliyay Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada JSL.”

0
69

Hargeysa(Baraarugtv.com)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa bogaadiyey barnaamijka Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada JSL ee lagu maalgeliyey dhallinyaro xirfadlayaal ah oo ka kala socday degmooyinka dalka, kuwaas oo lagu guddoonsiiyey qalab kala duwan munaasibad ka dhacday caasimadda HargeysaGuddoomiyuhu waxa uu hadalkiisa ku yidhi: “Waxa aan maanta caasimadda Hargeysa kaga qayb galay munaasabad abaalmarin ah oo qalab kala duwan lagu guddoonsiiyay dhallinyaro xirfadlayaal ah oo ka kala socday degmooyinka dalka, kuwaas oo uu maalgeliyay Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada JSL.”

Sidoo kale, waxa uu bogaadiyey dadaalka Sanduuqa, isaga oo yidhi: “Waa aan bogaadinayaa dedaalka mugga weyn ee ay muujiyeen madaxda Sanduuqa Dhallinyaradu, iyaga maalgeligayay ciddii ugu mudnayd.”Ugu dambayn, waxa uu farriin dhiirrigelin ah u diray dhallinyarada, isaga oo yidhi: “Dhankoodana, waxa aan dhallinyarada ku adkaynayaa in fursaddan qaaliga ah ee ay heleen ay naftooda iyo dalkoodaba uga faa’ideeyaan.”