Ciidanka Badda Mareykanka oo lumiyey drone qiimihiisu yahay $240 milyan,

0
89

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Ciidanka Badda Mareykanka ayaa lumiyey drone nooca MQ-4 Triton ah oo qiimihiisu yahay $240 milyan, kadib markii uu ku burburay Gacanka Faaris.

Warbaahinta CNN ayaa sheegtay in Ciidanka Badda Mareykanka ay lumiyeen mid ka mid ah diyaaradaha basaaska (drone) ee MQ-4 Triton, kadib markii uu ku dhacay gantaal hawada sare ee Gacanka Faaris.

MQ-4 waa mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ugu horumarsan ee uu Maraykanku leeyahay, iyadoo la soo saaray qiyaastii 20 unug oo keliya.Qiimaha hal diyaarad ayaa lagu qiyaasaa ku dhowaad $240 milyan, taas oo laba jibbaar ka badan qiimaha diyaarad dagaal oo nooca F-35 ah.

baraarugnews@gmail.com