Baraarugtv.com-warbaahinta FOX NEWS,ayaa baahisay in saldhig ciidan dawladda Maraykanku laga siiyeyy Deked istiraatiijiga ah ee Berbera oo ku taalla Somaliland,Isla markaana laga hirgalinayo saldhig military oo Mareykanku leeyahay, xilli xiisad ka taagan tahay marin-biyoodka Hormuz iyo Bab el-Mandeb.Saraakiil sare oo ka tirsan Mareykanka qeybta Afrika, oo uu hoggaaminayo Gen. Dagvin Anderson, ayaa booqday goobaha saldhiga Milateriga laga hirgalinayo.Baadigoobka Mareykanka ee Berbera, muhiimada ay leedahay aagan doodaha xasaasiga ah & diidmada DF
https://youtu.be/4ZOPCc7ZJ0sDariiqa Bab el-Mandeb ayaa noqotay marin muhiim ah kadib xanibaadda Hormuz, iyadoo ilaa 14% ganacsiga badda dunida uu maro, Sacuudi Careebiya ayaa u wareejisay dhoofinta saliidda (ilaa 7 milyan foosto maalintii) dekedda Yanbu ee Badda Cas.


Madaxweyne Donald Trump horey ayuu u sheegay in Mareykanku ka fiirsanayo aqoonsiga Somaliland, balse Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa hadda caddeysay inay weli taageersan tahay midnimada Soomaaliya.



