Raysal-wasaare Dr Abiy Ahmed Ali Oo Qaabilay Masuuliyiin Sare Oo Ka Socday Dawladda Mareykanka.
Addis-abab (RedSea Post)-Raysal-wasaaraha Dawladda Faderalka Ethiopia Dr Abiy Ahmed Cali, Ayaa Qaabilay maanta saraakiisha hogaamisa ciidanka dawladda Maraykanka ee Afrika oo Ka Socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Mareykanka.
Raysal-wasaare Abiy Axmed, Ayaa Xafiiskiisa Kulan gaar ah Kula Yeeshay Weftigan Oo uu hogaaamin-nayo Ku-Xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka kristofer Tilandow, Isla-markaana Ay Wehelinayaan Taliyaha Qaybta Africa ee Ciiddamadda Mareykanka (AFRICOM) Ganaraal Dagvin Anderson iyo Masuuliyiin Kale.
Raysal,wasaare Dr Abiy,ayaa ku faafiyey bartiisa uu ku leeyahey ee uu ka isticmaalo Facebuugiisa ku baahiyey Qoraal Kooban Oo Uu Kaga hadley U-Jeedka Kulankan gaarka Ah Ee Uu La Yeeshay Weftiga Ka Socday Dawladda Mareykanka,waxaanuu yidhi “Kulan-kanni, Wuxuu Ahaa Mid Aad U Mihiim Ah. Kunna Salaysan Is-kaashiga Joogtadda ah Iyo Is-ixtiraamka Ka Dhexeeya Dalalka Ethiopia iyo maraykanka.”Ayuu yidhi Abiyi Axmed
Dhinaca kale,Janeraalka ciidanka Afrika ee dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Africom Dagvin Anderson iyo Saraakiil kale oo Maraykan ah,ayaa Socdaal ku yimi Somaliland lixdii bishii nufeebar 6/11/2025-kii sanadkii dhamaadey,Balse muddo yar ka dib oo ku beegan 26-kii December 2026-ka ayey dawladda Israa,iil ku dhawaaqdey aqoonsiga Somaliland.


Saraakiil ka tirsan Ha,yadda Sirdoonka Itoobiya oo ka gaabsadey magacooda in aanu sheegno arrimo abni-dartood,ayaa u sheegay Warbaahinta Red Sea Intelligence in saraakiishan oo ka socday dawladda Maraykanku ay Raysalwasaare Abiyi Axmed la socodsiiyeen in saldhigii dawladda Maraykanku ku laheyd Jabuuti ka guurayso,ayna u wareegeen saldhig magaalada Berbera ah.Isla markaana Raysal,wasaaraha Itoobiya ayaa todobaadkan safar ku tegay Israa,iil Talaabiib,halkaa oo kulan kula yeeshay Raysal,wasaaraha Israa,iil.
kala soo xidhiidh Email
baraarugnews@gmail.com



