– .
Canada(Baraarugtv.com)-Xafladaasi oo

Canada(Baraarugtv.com)-Xafladaasi oo si weyn loo soo agaasimay, waxa ka qaybgalay jaaliyadda Somaliland ee Canada, qunsulka dawladda Israel u fadhida Canada iyo xubno ka mid ah bulshada jewishka ee ku dhaqan Canada.
Waxa xafladaasi ka hadlay Cumar Muuse Kaahin oo ka mid ah ganacsatada reer Somaliland ee Canada, isla markaana ka tirsan hormuudka jaaliyadda, waxaanu si weyn ugu mahad naqay Muwaadiniinta ka soo qaybgalay xafladaasi, diblomaasiyiinta iyo bulshada Reer Israel ee goobjooga ka ahaa madashass.
Cumar Muuse wuxuu sheegay in tallaabada ay Isreal ku ictiraaftay JSL uu leedahay ahmiyad diblomaasiyaddeed, dhaqaale iyo faa’iidooyin kala duwan oo labada dalba masaalixi ugu jirto.
Cumar Muuse wuxuu sheegay in Somaliland muujisay adkaysi, isla markaana ay dalkeeda ka hirgelisay dawladnimo shaqeynaysa, xasilooni iyo dimuqraaddiyad taabogal ah.
Waxa kaloo uu bayaamiyay in dib u aqoonsiga Isreal uu Somaliland ugu fadhiyo sooyaal taariikheed oo dheer oo la xidhiidha, in Israel ahayd dawladdii u horreysay ee Somaliland aqoonsatay sannadkii 1960 xilligii ay madaxbannaanideeda ka qaadatay Ingiriiska.
Cumar Muuse Kaahin wuxuu tibaaxay Somaliland in aanay ahayn dal samaysay xilligan ee uu yahay dal madaxbannaanidiisii dib ula soo noqday 1991-kii, waxaannu carabka ku dhuftay in Somaliland ay si nafhur ah dib ugu yagleelatay dalkeeda iyo dawladnimadeeda, iyadoo ku tallaabsatay xasilooni, isku-filnaansho iyo in si nabdoon xukunka la iskugu wareejiyo.
Waxa kaloo uu xusay in Somaliland ay guulahaas gaadhay iyadoo mandaqada ay ku taallo ay hadheeyeen dagaalo, argagixiso iyo budhcad baddeed.
Cumar Muuse Kaahin wuxuu intaas ku daray daboyaaqadii siddeetamaadkii ay Soomaaliya burburisay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, isla markaana ay xasuuqday dad lagu qadaray 200 oo kun oo qof, isla markaana barokicisay dad kor u dhaafay nus malyuun qof oo tagay xeryo qaxoonti oo ku yaalla Itoobiya.
Cumar Muuse isagoo ka hadlayay waxyaabaha ay wadaagaan Somaliland iyo Israel wuxuu tilmaamay in labada dal ay soo mareen dhibaatooyin iyo xasuuq is shabahaya, isla markaana labada ummaddoodba ay soo galeen halgan adag oo ay ku dhisteen dawladnimadooda, Kuna xaqiijiyeen jiritaankooda.
Waxa kaloo uu ku dooday in cilaaqaadka Somaliland iyo Israel uu labada dalba ka faa’iidi doonaan iskaashigooda dhinacyada caafimaadka, waxbaradhada,beeraha iyo dhaqaalaha.
Ugu dambayn, Cumar Muuse Kaahin wuxuu dalalka kale ee caalamka ugu baaqay inay dib u qiimeeyaan mowqifkooda ku wajahan Somaliland, iyagoo xeerinaya waxqabsigeeda iyo muhiimadeeda istaraatijiyaddeed.



