MAXAA KA JIRA XADKA LOWYACADO
Lowyacado,(Baraarugtv.com)-Magaalada Lowyacado Xadka Jabuuti ayaa Xidhnaa labadii Maalin ee La soo Dhaafay,
Jabuuti ayaana Joojisay Khudaarta iyo Furinka ka Yimaada Dhinaca Jabuuti,
Balse Masuuyihiinta Beesha Ciise ee Degmada Saylac Sida Maayarka iyo Xoghaya oo kaashanaya Dhinaca Jabuuti ayaa Saaka Soo fasaxay alaabtii Beeshooda oo kaliya,
Halka Alaabtii Beesha Gadabuursi dhinaca Jabuuti lagu Joojiyay,
Dhinaca Somaliland Maamulka Kastamka lowyacado ayaa Joojiyay Alaabta beesha Ciise ee Kaligeed dhinaca Jabuuti laga soo Fasaxay
Xaalada ayaana ilaa hada Taagan.
Masuuliyiintii ay Doorteen Shacabka Degmada saylac ee Beesha Gadabuursi ayaa u Muuqda inay Xaalada ka Muquurteen halka qayrkood shacabkooda u doodayaan.
4 Xilldhibaan ee Degmada Saylac ayaa ilaa hada aan la garanayn Sobobta ay Xaalada qaarkood uga Aasmusanyihiin,
Dhowrmaamood oo la haystay labadii Marxuun ayay sidoo kale ka aasmusnaayeen.
Xasuusin Xadka hore uu u Xidhnaa hada waxa la isku haystaa waa Khudaarta iyo Furinka.
Wariye Faysal Muuse



