Jabuuti,(Baraarugtv.com)-Shaqaalaha dawladda. Jabuuti ayaa maanta iskugu soo baxay xaflad bannaan-baxa oo lagu qabtay guriga ummadda, kaasi oo taageero loogu muujinayay keligii taliyaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle oo markii lixaad isku soo sharraxay in doorashada soo socota.
Shaqaalaha maanta bannaanbaxan loo soo saaray oo loo xidhay dharkii xisbiga Geelle, waxay iskugu jireen shaqaalaha Djibouti Telecom, shaqaalaha boosta iyo isgaadhsiinta iyo hawlwadeennada Telefishanka iyo idaacadda Jabuuti,kuwaasi oo khamiistii lagu wargeliyay inay bannaanbaxan ka qaybgalaan, qofkii ka baaqsadaana uu mutaysan doono ganaax mushahar ka joojin iyo shaqo ka saarid iskugu jira.
Shaqaalaha dawladda oo laga dhigay dadweyne taageersan xisbiga tallada haya ee Jabuuti, ayaa lagu soo daadgureeyay baabuur dawladdu u kiraysay.
Xubno Wasiirro ah iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, oo madashass ka hadlay ayaa sheegay inay uga mahadcelinayaan shaqaalahaas shicibka laga dhigay, wShaqaalaha dawladdda. Jabuuti ayaa maanta iskugu soo baxay xaflad bannaan-baxa oo lagu qabtay guriga ummadda, kaasi oo taageero loogu muujinayay keligii taliyaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle oo markii lixaad isku soo sharraxay in doorashada soo socota.
Shaqaalaha maanta bannaanbaxan loo soo saaray oo loo xidhay dharkii xisbiga Geelle, waxay iskugu jireen shaqaalaha Djibouti Telecom, shaqaalaha boosta iyo isgaadhsiinta iyo hawlwadeennada Telefishanka iyo idaacadda Jabuuti,kuwaasi oo khamiistii lagu wargeliyay inay bannaanbaxan ka qaybgalaan, qofkii ka baaqsadaana uu mutaysan doono ganaax mushahar ka joojin iyo shaqo ka saarid iskugu jira.
Shaqaalaha dawladda oo laga dhigay dadweyne taageersan xisbiga tallada haya ee Jabuuti, ayaa lagu soo daadgureeyay baabuur dawladdu u kiraysay.
Xubno Wasiirro ah iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, oo madashass ka hadlay ayaa sheegay inay uga mahadcelinayaan shaqaalahaas shicibka laga dhigay, waxaanay tilmaameen in dadweynaha Jabuuti ay si aan kala hadh lahayn u taageersan yihiin “Aabo Geelle” oo ay u yaqaanaan madaxweynaha keligii taliyaha ah ee Jabuuti oo xilka haya muddo 27 sannadood ah.axaanay tilmaameen in dadweynaha Jabuuti ay si aan kala hadh lahayn u taageersan yihiin “Aabo Geelle” oo ay u yaqaanaan madaxweynaha keligii taliyaha ah ee Jabuuti oo xilka haya muddo 27 sannadood ah.