Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Difaaca Qaranka Jsl Md.Sayid-Maxamed Yuusuf Cali ayaa maanta kulan la qaatay madaxa siyaasada u qaabilsan Geeska Africa safaaradda France ee fadhigeedu yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Joly Romain.
Kulankaa waxaa Wasiirka ku wehelinayay la-taliyaha Wasiirka Faarax Xaaji Axmed, waxayna ka wada hadleen wada shaqaynta labada Dal, xaga amniga, dhaqaalaha , iyo xidhiidhka labada wadan in la sii xoojiyo, Kulankaas ayaa ku soo dhamaaday guul iyo is afgarad.


