“Nasiib-daro In Maanta Maxamed Abiib Weli Ka Bixin Mashruucii Ismaaciil Cumar Geelle Ee Jabuuti…”
Hargeysa,(RSI TV)-Xildhibaan ka tirsan Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland,ayaa Laga shaqaalaysiiyey sirdoonka gaarka ah ee aqalka Madaxweynaha Madaxtooyada Jabuuri Ismaaciil Cumar Geelle.
“Xildhibaan Maxamed Abiib Fidnada Djabouti ha kala dhex baxo ummadda.

Xildhibaan Maxamed Abiib. Weli wixii uu hadal sii deyn jiray ee uu xukuumadii aan ka tirsanaa dhaliili jiray kama damqan hadaladiihii xanafta badnaa, waayo? Wuxuu dhaliilaayay sax iyo khalad xukuumad uu wax ku lee yahay.
Maanta sida aan ognahay waxa Maxamed Abiib uu ka mid ahaa siyaasiyiinta dabada ka riixaysay in Xeerka Ciise la fasaxo, taana anigu waxaa in taa wax weyn umaan arkayn se waxaan arkaayay in reer Awdal oon ogolayn in aan la fasixin karayn, balse isaga muu qarsan jirin, waxana lagu xaman jiray in ay maahruuc ka soo qaateen Ismaaciil Cumar Geelle.Nasiibdaro waxa maanta muuqata in aanu Maxamed Abiib weli ka bixin mashruucii Ismaaciil Cumar Geelle ee ah in reer Awdal lagu mashquuliyo Somalilandta kale, hadalo aan aad ula yaabayna waxa uu ka jeedinayaa, una jeedinayaa dadkii uu ku dirqiyaayay waxa ay diidanaayeen oo uu doonayaa mashruuciisii fashilmay inuu si kale ugu dhigo.
Waxaan lee yahay fidnada ay reer Awdal iska demiyeen ee ay garteen in aan maanta iyaga iyo qaranka ay dhisteen aan loo kala waramin in uu doonaayo inuu mar kale dib u bilaabo.”Ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Mustafe Shiine.
Dhanka kale,askari ka tirsan saraakiisha xarunta Sirdoonka Dawladda Jabuuti,oo ka cudur daartey in magacooda sheegno,ayaa Wakaalada Red Sea Intelligence TV u sheegay in Xildhibaan Maxamed Abiib la qoray sirdoonka Madaxtooyada Ismaaciil Cumar Geelle ee sida gaarka ah u hoos taga Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle
Xigasho RSI TV
Email caarshe7@hotmail.com



