Mowjado cusub oo weerarro ah oo Iiraan ku qaaday Dalalka Baxrayn iyo Kuwait..

0
20

Mowjado cusub oo weerarro ah oo Iiraan ku qaaday Dalalka Baxrayn iyo Kuwait..

 

Kadib is-weydaarsiga weerarrada u dhexeeya Iran iyo Maraykanka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Baxrayn ayaa ku dhawaaqday in dalka laga hawlgeliyay Siidhiga digniinta.

 

Tani waa markii labaad saacadihii u dambeeyay oo wasaaraddu soo saarto digniin, iyadoo shacabka ka codsatay inay galaan goobo ammaan ah.

 

Telefishinka Al Arabiya iyo warbaahinno ka tirsan Iran ayaa sidoo kale sheegay in qaraxyo laga maqlay dalka Kuwait.

 

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ayaa hore u sheegay inay gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) ku weerareen saldhigga ciidamada Maraykanka ee Ali Al-Salem ee Kuweyt iyo xarunta Ciidanka Badda Shanaad ee Maraykanka ee Baxrayn.

 

Weerarkii Maraykanka ee waaberigii maanta lagu qaaday munaarad isgaarsiineed oo ku taalla Sirik, iyo goobo kale oo ku yaalla Qeshm iyo Bandar Lengeh, ayaa loo arkaa inuu bilow u ahaa wajigii ugu dambeeyay ee is-weydaarsiga weerarrada u dhexeeya Iran iyo Maraykanka.

 

Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in weerarradaas ay jawaab u ahaayeen weerar ay Iran ku qaaday markab shidaal siday oo marayay Marinka Hormuz.

 

Labada dal ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu jebiyay is-afgaradkii xabbad-joojinta ee lagu gaaray Islamabad.

Hashim Sheikh BBC News Somali