Kulankii Ku Dhex-marey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Wakiiladda Beesha Caalamka

0
14

Baraarugtv com-Kulankii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), 06/08/2026 uu magaalada Nairobi kula yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Caalamiga ah, wuxuu dhaliyey in saaxiibbada Somaliland ay si qoto dheer u eegaan muhiimadda ay leedahay hirgelinta qodobadii uu Madaxweynuhu soo bandhigay.Madaxweynuhu wuxuu si cad u soo bandhigay horumarka Somaliland, nabadgelyada, mudnaanta Qaranka iyo himilooyinka mustaqbalka, isaga oo muujiyey in Somaliland ay tahay dal wax qabsanaya, wax soo kordhinaya, isla markaana diyaar u ah iskaashi caalami ah oo ku dhisan dano-wadaag iyo faa’iido labada dhinac ah.

Waxay Beesha Caalamku si cad u fahmeen rabitaanka Somaliland ee ah in lagu qiimeeyo waxqabadkeeda, xasilloonideeda, hannaankeeda dawladnimo iyo fursadaha iskaashi ee ay dunida u soo bandhigayso.