Sharci Yaqaankii Warfaafinta Loo Dhiibay Sharcigii Dalka Miyuu Baal Maray?
RSI TV -” Nidaamka ruqsad bixinta warbaahinta waa in xeerka lagu daraa guddi ruqsad bixineed oo ka madax banaan Wasaaradda warfaafinta oo ka kooban dhamaan warbaahinta ” waa taladeyda
Xeerka saxaafada Jamhuuriyadda Somaliland xeer lr.27/2004 wuxuu ahaa xeer dhaqangal ah oo la ansixiyey, kaliya xeerkaasi wuxuu dhaliil lahaa qaabka loo dacweynayo hadii saxafi ama hay’ad warbaahineed xad gudub laga tirsado , dariiqa loo raacayo iyo halka xukunka laga keenayo ( ciqaabta ).
Inta ogaalkay ah xeerkii wax ka badel ayaa lagu sameeyey Wasaaradda warfaafintu waddo , waxaana loo gudbiyay golaha wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu kalfadhigii 27-April Furmay ahaa xeerka koowaad , waxaana shaqadiisa gacanta ku hayay gudiga arimaha bulshada golaha wakiilada.
Xeerkaasi oo aan arkay qabyo-qoraalkiisa ( Draft ) ka koobnaa 72 qodob waxa uu awoodda ka qaadayaa xoriyada hadalka iyo ra’yi dhiibashada muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland , sidoo kale wuxuu culeys saarayaa warbaahinta iyo xoriyatul qawlka oo uu qodobka 32naad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland damaanad qaadey wax shuruudo ahna aanay ku xidhnayn.
1- Maan maqal meel lagu ansixiyey iyo inuu goleweynaha u soo gudbay xeerkaasi , shalay ayaan arkayey Wasaaradda warfaafinta oo ruqsado bixineysa , markaa waxaan isweydiiyey , sharciyaqaankii Wasaaradda loo dhiibay miyuu baal maray sharcigii dalka ?
2-Ta labaad nidaamka ruqsad bixinta waxa uu awood u siiyey Wasaaradda warbaahinta oo xeerkan soo sameysatay , saxna maaha , ee waa inuu jiraa komishan ruqsad bixinta warbaahinta qaabilsan oo xeerka lagu xusaa , gudigaasi waa inay ka koobnaataa dhamaan warbaahinta oo xubnaheega laga soo xulaa warbaahinta dawlada iyo warbaahinta madaxa banaan.
3- Ajuurada laga qaadayo ruqsadaha warbaahinta waxaa lagu sheegay xeerka in dib laga soo sheegi doono , taasina sax maaha, waa in xeerku qeexaa , cidda laga qaadi karo Ajuuro warbaahineed , iyada oo lagu saleynayo shaqada iyo inta hay’adda warbaahintu leeg tahay iyo dhaqaalaha soo galla.
4- Waxii lacag la qaadayo dalka waxaa awood u leh oo qabaneysa Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan xafiisyada cashuuraha berriga.
Mohamed Abdi Jama

