Xidhiidhka qarsoodiga ah ee Madaxweyne Cirro Iyo Madaxweynaha Somalia

0
14

Baraarugtv.com-Ila xog-ogaal ah oo Nairobi ku sugan waxay sheegayaan in ay kulmeen ergay ka socda Xasan Shiikh Maxamuud iyo Cirro intuu safarka ku joogay Nairobi . Waxaana kulanka dalbaday Cirro. Ilaha xog ogaalka ahi waxay sheegayaan in Cirro halkii hore ee uu taagnaa ka soo debcay, oo uu doonayo in wadahadalkii istaagay la soo celiyo.

Dhawaan ayaa ganacsato reer Hargeysa iyo reer Burco ahi si qarsoodiya ugula kulmeem Villa Somalia madaxda Soomaaliya, waxayna u sheegeen in Cirro qaaday waddo khaldan oo aanay habboonayn in lagu ciqaabo tallaabooyinka Cirro qaaday.

Dublumaasiyadda Soomaaliya ayaa aad u shaqaysay, taasina waxay keentay in dawladaha caalamku garab siiyeen Soomaaliya. Arrimahaas oo dhan ayaa ku ajburay Cirro in uu furo xidhiidho isaga iyo Villa Somalia ah.