Xildhibaanno ka tirsan Golaha Koongareeska ee dalka Maraykanka oo uu hormuud u yahay xildhibaan John Rose ayaa soo gudbiyey hindise sharciyeedka xeer lagu taageerayo dhaqaalaha Somaliland kaas ah Xeerka Helitaanka dhaqaale iyo fursadaha Somaliland.
Xeerkan ayaa meesha ka saaraya dabarrada Somaliland ka haysta dhinaca helista fursadaha dhaqaalaha iyo la fal gelidda hab maaliyadeedyada ugu xooggan Caalamka. Waxana haddii uu meel maro uu meesha ka saari doonaa caqbad kasta oo Somaliland ka haystay dhinaca Bangiyada Caalamiga ah, helista fursadaha maal gashiga iyo xoojinta xidhiidhada maaliyadeed ee Caalamiga ah.
Arrimaha ugu muhiimsan ee xeerkan ku jira waxa ka mid ah in Somaliland hesho adeegga SWIFT oo ah adeeg caan ka ah dhinaca kala gudbinta lacagaha ee dhinaca Bangiyada.
SWIFT oo ay adeegsadaan in ka badan 11 kun oo Bangi oo ku yaalla daafaha Caalamka ayaa ah mid Somaliland hadda si weyn ugu fududaanaya qaybna ka qaadanaya gudbinta lacagaha iyo helista maal gashi Caalami ah.
Somaliland waxa ay tani u tahay in ay helayso jaanis aad u xooggan, waxana ay noqon doontaa mid ka mid ah arrimihii ugu midha dhalsanaa ee Jamhuuriyadda ka soo gala dhinaca Maraykanka.
Email caarshe7@hotmail.com



