Dawladda Ingiriisku Maxay ka tidhi In Ay Ku Biirayso Dagaalka Iiran?

0
90

Uk,(Baraarugtv.com)-#Wasiirka Arrimaha Guryaha, Bulshooyinka iyo Dowladaha Hoose ee United Kingdom, Steve Reed, ayaai sheegay in dalkiisu uusan si toos ah uga qayb geli doonin colaadda ka socota Galbeedka Aasiya ee ku lug leh Iran. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu caddeeyay in Britain ay sii wadi doonto ilaalinta danaha qaran iyo kuwa gobol ee ay ku leedahay halkaas.
Isagoo ka jawaabaya su’aalo ay weydiisay Sky News oo ku saabsan digniinta 48-ka saac ah ee uu bixiyay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee la xidhiidha marinka muhiimka ah ee Strait of Hormuz.
Reed wuxuu sheegay in diiradda dowladda Britain ay tahay ammaan iyo dejinta xiisadda (de-escalation), iyadoo dagaalka oo bilaamay 28-ka Febraayo uu sii xoogeysanayo.

“Waxaan u maleynayaa in su’aalaha ku saabsan waxa uu ka hadlayo Madaxweyne Trump aad isaga toos u weydiisaan. Annaga waxa aan sameyneyno waa inaan haysanno qalabkii iyo qaab-dhismeedkii amni ee lagama maarmaanka ah si loo ilaaliyo muwaadiniinta British-ka ah iyo danaha Britain ee gobolka iyo meelaha kale.”Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Guryaha, Bulshooyinka iyo Dowladaha Hoose ee United Kingdom, Steve Reed
#RSI TV@